Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

1-            Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal taariikhi ah ku tegay magaalada Aadan Yabaal oo ka mid ah degaannada laga xoreeyay Al Shabab.

2-            Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in degaannada laga xoreeyay Khawaarijta ay dowladdu gaarsiin doonto adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka.

3-            Dowladda Soomaaliya oo dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan Yabaal.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u howl-geliyay isbitaalka degmada Aadan-yabaal kadib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen.

4-            Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa laamaha amniga ee qaranka iyo kuwa Gobolka Banaadir kala hadley sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

5-            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa daah-furay hirgelinta adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka.

6-            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo au hirgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

7-            Turkiga oo gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

8-            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

9-            Xafiiska La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo qabtey shir sannadeedka maareynta hubka iyo rasaasta, kaas oo diiradda lagu saarey qorshaha qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

10-          Golaha Wasiirada oo la horgeeyay warbixin iyo talooyin 18 qodob ka kooban wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajajta.

11-          Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo Jubbada Hoose ku dilay dhowr ka tirsan Khawaarijta, gacantana ku dhigay horjooge ka tirsanaa argagixisada.

12-          Horjooge Dhuurre Yuusuf Garow (Hilal) oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Baydhabo.

13-          Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shaaciyay bilowga barnaamij loogu magac darey “xoriyad ku afur” oo laga fulinayo degaannada laga xoreeyay argagixisada Al Shabab.

14-          Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal lagula dirirayo mukhaadaraadka.

15-          Dowlad Goboleedka Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 10 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa oo maxkamad ay ku heshay inay ka dambeeyeen dilka dad shacab ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

16-          Soomaaliya oo saxiixday sharciga la dagaalanka kaluumaysiga sharci darrada ah.

17-          Shirka daah-furka Warbixin Muuqaaleedka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho.

 

============DHAMMAAD=============

Previous Post

Bankiga dhexe oo dalka ka hirgeliyey lambar-Xisaabeedka Bangiyada Caalamiga ah

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In