Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Toddobaadlaha

Muqdisho, Arbaco, 19 April, 2023

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley shir madaxeed degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD, oo looga hadlayey colaadda Sudan ayaa ugu baaqey dhinacyada halkaasi isku haya inay miiska wadahadalka isugu yimaadaan, colaaddana ay joojiyaan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeybgaley shir madaxeed saddex geesood oo ay igu yimaadeen Soomaaliya, Ethiopia iyo Talyaaniga, kulamana la yeeshay madaxda ka qeybgashey shirkaasi.

3- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey shir looga hadlayey xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey.

4- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo gudanaya Cumrada, ayaa ugu duceeyay ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta, intaasna ku darey in sanadkan uu noqon doono kii dalka looga suulin lahaa Khawaarijta Al Shabaab.

5- Wasaaradda Arrimha Dibedda ee Soomaaliya ayaa sameysay nidaam lagula soconayo xaaladda muwaadiniinta Soomaaliya ee ku nool dalka Suudaan oo ay dagaallo ka socdaan.

6- Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Belgrade ee dalka Serbia tababar 4 bilood socday ugu soo xiray qaar kamid ah ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya.

7- Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale kaas oo loogu talagaley  dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

8- Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Khawaarijta Al Shabab kala wareegay degaanno hoos yimaada Budbud iyo Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

9- Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa Al Shabab ka xoreeyay degaanka Dahar Faqay oo hoostaga Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.

10- Ciidanka Kumandoska XDS ee Danab ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay goobo cusub iyo difaacyo  ay ku lahaayeen degaannada Geryaale, iyo Ceel-juqoow oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

11- Ciidanka Xoogga Dalka iyo oo garabsanaya shacabka degaanka ayaa burburiyay fariisimo ay ku dhuumaleysanayeen Khawaarijta Al-Shabab oo ku yaalla degaannada Buulo Burde ilaa ilaa Halgan ee jiinka wabiga ee gobolka Hiiraan.

12- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa duleedka degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ku laayay koox Khawaarij ah oo doonaysay inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka ATMIS.

13- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Khawaarijta kala wareegay Degaanno dhowr ah oo kala ah Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo  ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

14- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal gaar ah ka fuliyay degaannada Ceel Qansax iyo Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaasina waxay ku dileen horjooge Cartan Iley, iyo dhaawac loo geystey horjooge Daahir Calasow oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

15- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Washington uga qeyb galay shirka sannadlaha ah ee  Wasiirrada Maaliyadda dalalka Iskaashiga Geeska Afrika iyo saaxiibada caalamka sida IMF, Midowga Yurub, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka.

16- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu maxkamad la horgeeyay 36 eedeysane oo ajaanib ah oo si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayay xeebaha dalka.

 

Previous Post

Maamulka gobolka Banaadir iyo Bankiga Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta Caasimadda

Next Post

Dagaal culus oo dib uga bilowday magaalada Khartuum

Next Post
Dagaal culus oo dib uga bilowday magaalada Khartuum

Dagaal culus oo dib uga bilowday magaalada Khartuum

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In