Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Toddobaadlaha ee waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay kulan dadweyne oo shacabku ay ku weydiinayeen suโ€™aalo ku saabsan waxqabadka iyo hawlaha horyaalla dowladda.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain ayaa ka wadahadley horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saabsan cunna yarida.

3- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqey qiimo dhimis kharashka lagu xajinayo sannadkan 2023-ka.

4- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley daah-furka Geeddi-Socodka Wadashaqeyneed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, oo dhabbaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada dhinac, labada sano ee soo socota.

5- Raโ€™โ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabadda daah-furka Barnaamijka Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed.

6- Boqolaal muwaadiniin ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu soo celisay dalka, iyagoo laga soo badbaadiyay colaadda ka aloosan Sudan.

7-ย  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dhowaan magacawdey guddi heer wasiiro ah oo isku dubbaridaya samatabixinta muwaadiniinta ku xaniban Sudan.

8- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas.

9- Soomaaliya oo soo dhoweysay goโ€™aamadii ka soo baxay Shir Madaxeedka Waddamada ay Ciidammadda ka joogaan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dhimista Ciidanka ATMIS ee Midowga Afrika, iyo diyaargarowga Soomaaliya in ay amnigeeda la wareegto dhammaadka sanadka soo socda ee 2024.

10- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo hawlgal ka dhacay degaanka Cali Qaboobe ee gobolka Mudug ku dilay 60 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

11- Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay ka ganacsiga maandooriyaha oo khatar ku ah amniga iyo nolosha shacabka caasimadda.

12- Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo agab caafimaad ku wareejiyay dowlad goboleedyada, tallaabadaas oo qeyb ka ah qorsha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee baahinta adeegyada caafimaad ee geyiga Soomaaliya.

13- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo dalka Morocco uga qeybgalay shirka sannadlaha ah hayโ€™adaha maaliyadda dalalka Carabta, xilli Soomaaliya ay horumar weyn ka sameyneyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo hirgelinta barnaamijka deyn cafinta.

14- Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khadka fogaan aragga kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isagoo uga warbixiyay waxqabadka iyo horumarka dowladda, iyo weliba siyaasadda dowladda ee qurba joogta.

15- Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo gurmad u fidisay qoysas ay saameeyeen roobabkii xoogganaa ee Muqdisho ka daโ€™ay.

16- Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay walxo qarxa iyo dhagar qabihii waday Xasan Cali Nuur oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Previous Post

Maxay Dowladda Soomaaliyeed ku dooratay in dalalka safka hore ay la kaashato la dagaalanka Khawaarijta?

Next Post

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay mataanaynta labada Caasimadood

Next Post
Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay mataanaynta labada Caasimadood

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay mataanaynta labada Caasimadood

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In