Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Todobaadka ee Maamulka Gobalka Banaadir

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
8 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Todobaadka ee Maamulka Gobalka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Eng. Yarisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in habraacani uu hagi doono Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose, isagoo nidaaminaya hab-raaca bixinta qandaraasyada alaabta, dhismayaasha, adeegyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

“Habraacan ayaa suurto gelinaya maamul wanaag isla xisaabtan daah-furnaan iyo kalsooni beerista shacabka, bacdamaa ay xoojinayso caddaaladda sinnaanta iyo horumarka Caasimadda”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa todobaadkaan dhagax dhigay biyo fadhiisidka degmada Boondheere oo haatan lagu sameeynayo dayac tir xoog leh.

Duqa Muqdisho ayaa aad iyo aad ugu ammaanay shacabka iyo maamulka Degmada Boondheere dadaalka ay ugu jiraan horumarinta Degmada, wuxuuna ku bogaadiyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda.

Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Guddoomiyaha Gobalka ayaa Todobaadkaan Booqasho u tagay degmada Hilwaa gaar ahaan xaafadda Waxarcadde, si uu u dhiiragaliyo ulana socdo xaaladooda dadka xoogsatada ah ee ka shaqeeya Kaawada Dhismaha.

Guddoomiyaha ayaa kala sheekaystay Xaaladooda xoogsatada, isagoo sidoo kale u sheegay inay shaqo muhiim ah u haayaan dadka iyo dalka, wuxuuna Duqa Muqdisho aad ugu dhiiragaliyay Shaqadooda.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyey Garoonka Qoob-dooro ee degmada Kaaraan, Xarumaha degmooyinka Howlwadaag, Hodan , iyo bulaacadda No4 oo dhammaantood howllo shaqo oo dib loogu dhisayo uu M/mulka Gobolka Banaadir ka wado, isagoo ugu baaqay shacabka Caasimaddu in ay u midoobaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay burburiyeen kooxaha argagixisadu, Maamul banaadir uu dib u dhisayo si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo goobaha dib loo dhisayo uu ku jiro Masjidka Degmada Howlwadaag ee ku burburay qaraxii argagixisadu la beegsadeen.

“Argagixsadu waxay beegsanayaan nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ee waxba galabsan, Maamulka Gobolka Banaadir na waxuu u taagan yahay badbaadinta iyo dib u dhiska Caasimadda’.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo.

Duqa Muqdisho ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Todobaadkaan Danjiraha dowladda Suudaan u fadhiya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya

Danjire  Kalfallah Mustafa Babikir iyo Mudane Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa ka wada hadlay mataanaynta Caasimadaha Soomaaliya Suudaan ee kala ah Muqdisho iyo Khartuum.

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Haweenku waa tusaalaha nabada iyo hormarka” Dhageyso

Next Post

Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

Next Post
Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In