Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Todobaadka ee Maamulka Gobalka Banaadir

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
March 7, 2019
in Wararka
0
Waxqabadka Todobaadka ee Maamulka Gobalka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Eng. Yarisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in habraacani uu hagi doono Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose, isagoo nidaaminaya hab-raaca bixinta qandaraasyada alaabta, dhismayaasha, adeegyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

“Habraacan ayaa suurto gelinaya maamul wanaag isla xisaabtan daah-furnaan iyo kalsooni beerista shacabka, bacdamaa ay xoojinayso caddaaladda sinnaanta iyo horumarka Caasimadda”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa todobaadkaan dhagax dhigay biyo fadhiisidka degmada Boondheere oo haatan lagu sameeynayo dayac tir xoog leh.

Duqa Muqdisho ayaa aad iyo aad ugu ammaanay shacabka iyo maamulka Degmada Boondheere dadaalka ay ugu jiraan horumarinta Degmada, wuxuuna ku bogaadiyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda.

Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Guddoomiyaha Gobalka ayaa Todobaadkaan Booqasho u tagay degmada Hilwaa gaar ahaan xaafadda Waxarcadde, si uu u dhiiragaliyo ulana socdo xaaladooda dadka xoogsatada ah ee ka shaqeeya Kaawada Dhismaha.

Guddoomiyaha ayaa kala sheekaystay Xaaladooda xoogsatada, isagoo sidoo kale u sheegay inay shaqo muhiim ah u haayaan dadka iyo dalka, wuxuuna Duqa Muqdisho aad ugu dhiiragaliyay Shaqadooda.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyey Garoonka Qoob-dooro ee degmada Kaaraan, Xarumaha degmooyinka Howlwadaag, Hodan , iyo bulaacadda No4 oo dhammaantood howllo shaqo oo dib loogu dhisayo uu M/mulka Gobolka Banaadir ka wado, isagoo ugu baaqay shacabka Caasimaddu in ay u midoobaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay burburiyeen kooxaha argagixisadu, Maamul banaadir uu dib u dhisayo si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo goobaha dib loo dhisayo uu ku jiro Masjidka Degmada Howlwadaag ee ku burburay qaraxii argagixisadu la beegsadeen.

“Argagixsadu waxay beegsanayaan nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ee waxba galabsan, Maamulka Gobolka Banaadir na waxuu u taagan yahay badbaadinta iyo dib u dhiska Caasimadda’.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo.

Duqa Muqdisho ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Todobaadkaan Danjiraha dowladda Suudaan u fadhiya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya

Danjire  Kalfallah Mustafa Babikir iyo Mudane Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa ka wada hadlay mataanaynta Caasimadaha Soomaaliya Suudaan ee kala ah Muqdisho iyo Khartuum.

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Haweenku waa tusaalaha nabada iyo hormarka” Dhageyso

Next Post

Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

Next Post
Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In