Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga oo la faray in ay adeegsadaan cinwaannada rasmiga ah ee dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga laga doonayo in ay ka shaqeysiiyaan barahooda internetka, isla markaana ay adeegsadaan emailo laga sameeyay xafiisyada ay maamulaan oo leh astaanta .gov.so ee u gaarka ah isticmaalka hay’addaha dowlada ee federaalka ah.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan oo arrimahan ka hadlayay ayaa sheegay in Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay ka caawineyso wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee federaaliga ah sidii ay u sameysan lahaayeen baro internet oo ay dadweynaha ugu soo bandhigaan howlaha dowladda iyo wacyigelinta.

Isaga oo ka hadlayay arrimaha emailada, wuxuu wasiirku ku adkeeyay wasaaradaha iyo hay’adaha kale in ay adeegsadaan astaanta (.gov.so) si loo muujiyo muuqaalka iyo haybadda dawladnimo, looga hortago xiriirrada been-abuurka ah, isla markaana xafiisyada looga tago dhaxal, halkii mas’uulku cinwaankiisa gaarka ah kula tagi lahaa xiriirrada shaqo, taas oo dib-u-dhac u keeni karta howlaha xafiisyada.

“Dhammaan wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha, ku-xigeennada, agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada waxaa loo sameeyay emailo ku saleysan xafiisyadooda, sidaas darted waxaa laga codsanayaa inay hawlahooda u adeegsadaan emailadaas, oo aan la isticmaalin email gaar ah, cinwaannadaasna lagu wareejin doono cidda xafiiska ay ku wareejinayaan,” ayuu yiri wasiirku.

Marka laga reebo isticmaalka, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waxaa laga doonayaa in cinwaannada loo isticmaalo warqadaha sumadeysan (letterheads), war saxaafadeedyada, boorarka xayeysiinta, ogeysiisyada warbaahinta, xayeysiinta shaqooyinka, kaarka business Card-ka, iyo dhammaan howlaha rasmiga ah ee dowladda in lagu isticmaalo emailada leh astaanta dawladda.

Ra’iisul wasaaraha dalka Md. Xasan Cali Kheyre oo kulanka ka hadlay ayaa ku adkeeyay wasaaradaha in ay isticmaalaan cinwaannada dawladda, lana joojiyo isticmaalka kuwa gaarka ah.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
Previous Post

Waxqabadka Todobaadka ee Maamulka Gobalka Banaadir

Next Post

Gudoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid oo ka hadlay waxqabadka maamulkiis “Dhageyso”

Next Post
Gudoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid oo ka hadlay waxqabadka maamulkiis “Dhageyso”

Gudoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid oo ka hadlay waxqabadka maamulkiis “Dhageyso”

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In