Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Todobaadka ee maamulka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Todobaadka ee maamulka Gobalka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisoe) ayaa Todobaadkaan dhagax dhigay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee Degmada Warta-Nabadda.

 

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada ku dhaqan Waaxda Barwaaqo ee dib-u-dhiska lagu sameenayo, si ay ugu helaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladsa Hoose. Isagoo xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay daadajinta Adeegyada si loogu dhaweeyo shacabka.

“Maamulkeennu waa kii shacabka, waxaana ka go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud, si shacabka loogu adeego, marna nama baqdin gelineyso falalka ay geysanayaan Kooxaha argagixisada ee u taagan dhibaateynta shacabkeenna”.

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo ka qeyb galay Todobaadkaan munaasabad lagu soo bandhigayo Tubta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan waaxyaha Maamul ee arrinkan u xilsaaran.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey guulihii laga gaaray wajigii hore ee Tubta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Hawlaha Guud oo ay ka mid tahay hirgelinta Lix waddo oo laami ah, kuwaas oo halbawle u ah isu socodka Caasimadda, dib u dhiska Xarumaha Degmooyinka Wadajir, Hodon, Hawlwadaag iyo Yaaqshiid.

Eng.Yarisow ayaa sheegay in ilaa haatan la hirgeliyey labo xarumood oo ah kuwa Dabdamiska, iyadoona la qorsheynayo in la sii kordhiyo xarumahaas si ay uga jawaabaan khataraha shilalka dabka oo marar badan galaaftay nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa kor meer ku tagay deegaanka Ceel Shaalle, oo isku xira Gobalada Banaadir Shabeelooyinka, waxaana Kormeerkaan Guddoomiyaha uu ugu kuurgalayay xaalada deegaanka iyo sidii Bulshadaasi loo gaarsiin lahaa adeegyada ay u baahanyihiin.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa furayaasha gurigooda ku wareejiyey qoyska Reer Axmed Xuseen Beexaani oo gurigooda ku yaalla degmada Shibis, gaar ahaan Isgoyska Beexaani si sharci darro ah loogu haystay.

Eng. Yarisow waxuu ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in meel looga soo wada jeesto wax walba oo caddaaladda wax u dhimaya, isla markaana aan loo dulqaadanayn in si sharci darro ah muwaadiniin Soomaaliyeed guryahooda looga qabsado.

“Maamulka Gobalka Banaadir waxuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda, waxaa naga go’an in caddaalad aan ku shaqayno muddadii aan joognayna waad la socotaan inta shaqsi ee guryahoodii dib u helay, taasoo ina tusinaysa sida aan diyaarka ugu nahay ilaalinta hantida shacabka, maantana waa maalin kale oo noo suuragashay in Qoyska reer Axmed Beexaani ay gurigoodii dib u helaan”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa ayaa todobaadkaan dhagax dhigay Xarunta Waaxda Oktoobar ee Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa ku ammaanay bulshada degmada Waaberi isku duubnida iyo is-garab istaagga ay ku tilmaaman yihiin, iyagoona hormuud u ah dadaallada nabadda iyo isdhexgalka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Xuseen ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka.

Maamulka Gobalka Banaadir oo dadaal badan ugu jira horumarinta Caasimadda Dalka ayaa Todobaadkaan Muqdisho ku soo dhoweeyay Dalxiisayaal Ajaanib ah kuwaasi oo waqtigooda Fasaxa ku qaadanaya magaalada Muqdisho.

Dalxiisayaasha ayaa la geeyay Xeebaha Jaseera, Liido iyo Goobo kale oo aad u qurxoon, waxayna sheegeen in magaalada Muqdisho ay aad iyo aad ugu wacantahay Dalxiiska.

Maamulka Gobalka Banaadir

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiiro Kambala uga qeyb galaya shirka Qaxootiga Afrika SAWIRO

Next Post
Wasiiro Kambala uga qeyb galaya shirka Qaxootiga Afrika SAWIRO

Wasiiro Kambala uga qeyb galaya shirka Qaxootiga Afrika SAWIRO

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In