Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadkii Turkiga ee Soomaaliya oo noqday mid aan La Illaabin

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Waxqabadkii Turkiga ee Soomaaliya oo noqday mid  aan La Illaabin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanad Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Mashaariicda dalka ay ka wadaan hay’adaha laga leeyahay dalka turkiga iyagoo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyay dadkii uga geeriyooday Soomaaliya iyaga oo u gar-gaaraya Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Ururka haweeanka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa uga mahad celisay sida shacabka iyo Dowladda Turkiga ay u garab istaageen Umadda Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

“Waxaan u tacsiyadeynayaa aniga oo ku hadlaya Magaca Umadda Soomaliyeed Geeridii ku timid Walaalaha turkiga iyagoo gurmad u fidinaya Shacabka Soomaliyeed waxaan leeyahay intii dhimatay Janatul fardowsa alle haka waraabiyo” ayey tiri Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Gaballe.

rrr

Xildhibaanad Sacdiyo Careys Ciise oo xubin ka ah Guddiga Saxiibtinimo ee baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegtay in taarikh aan la Hilmaabi Karin Soomaaliya ku leeyihiin Shacabka iyo Dowladda Turkiga.

“waxaa muhiim noo ah inaan Taariikhdaasi hilmaamin oo aan xasuusnaano islamarkana ku qorno iskuulladeenna Baarlamaankeena dhigno waana walaalaha kaliya ee noo soo gurmaday mar labaad qofkasta oo Soomaali ah waa in la xusaa maalinta Taarikhda mudan oo ay garabkeenna istaageen Walaalaha Turkiga ” Ayey tiri Xil Sacdiyo Carays Ciise.

Dowladda Turkiga iyo Shacabka dalkaas ayaa Si dhab ah u garab is taagay Shacabka Soomaaliyeed xilli ay u baahnaayeen Cid Caawisa Walaalaha Turkiga ayaa ah kuwo qofkastoo Soomaali ah og Kalintoodii Waxqabasho taas oo ka dhigaysa in Turkiga shacabka Soomaliyeed iyo Dowladdooda ay u hayaan Abaal mudan in markasta la sheego lagana sheego meelkastoo mudan in lagu soo bandhigo waxqabadkii Soomaliya ay u Sameeyeen Turkiga.

 

 

Previous Post

Baarlamaanka Galmudug oo Meelmariyay Wasiirrada Mamulkaas

Next Post

Todobaadka dhaqanka oo lagu soo gabo gabeeyay Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

Next Post
Todobaadka dhaqanka oo lagu soo gabo gabeeyay Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

Todobaadka dhaqanka oo lagu soo gabo gabeeyay Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In