Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wefdi midowga Afrika ka socda oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubaland-Sawiro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wefdi midowga Afrika ka socda oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubaland-Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka martida ee magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha Amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Africa Ndumiso Ntshinga.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dhamaan Safiirada shan iyo Tobanka wadan ee xubnaha ka ah golaha Amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyadoo ay wehelinayeen khuburo dhinaca ammaanka ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa marka hore uga mahad celiyay kaalmada dalalka Midowga Africa ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca ammaanka, isagoo sheegay in AMISOM ay kaalin muuqata ku leedahay horumarka wadanka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyay dalalka Midowga Africa gaar ahaan golaha amniga iyo nabadgelyadu in ay Soomaalida ku garab istaagan qorshaha dhismaha ciidamada qaranka maadama ay tahay sida kaliyah ee dhibaatada lagaga bixi karo.

Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ka hawlgalaan Ciidamo ka socda AMISOM oo Nabadgalyada kala shaqeeya ciidamada iyo hay’adaha ammaanka dowlada waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo bahan yahay in la dardar galiyo dhamaan dadaalada nabadgalyada gobolka.

Gudoomiyaha Golaha Amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Africa Ndumiso Ntshinga. ayaa sheegay in Jubbaland ay tahay tusaale wanaagsan oo hananka ammaanka iyo dowlad wanaaga lagaga dayan karo.

Midowga Africa ayuu sheegay in ay Jubbaland ka caawin doonan dhamaan hawlaha la xiriira Nabadgalyada oo uu xusay in Jubbaland ay guul ka gaartay taas oo u baahan in la sii adkeeyo.

Previous Post

Puntland oo bilaabaysa  Xisbiyo siyaasadeed

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay bahda waxbarashada-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay bahda waxbarashada-Sawirro

Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay bahda waxbarashada-Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In