Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wejigii 1-aad ee dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo la soo geba gebeeyey+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wejigii 1-aad ee dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo la soo geba gebeeyey+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo in muddo ah uu burbur ka muuqday garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa lagu guuleystay in wejigii koowaad ee dib u dhiska garoonkaasi la soo geba gebeeyo,kadib dadaal uu sameeyey maamulka garoonkaasi.

Maareeyahaha cusub ee garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar Mukhtaar Abuukar Macalin oo u waramayay wakaaladda Wararka SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha dib u dhiska ay ka sameynayaan garoonkaasi.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Mukhtaar Abuukar Macalin wuxuu sheegay in ay ku guuleysteen intii koobneyd oo uu xafiiskaasi joogay dhismaha qeybo badan oo garoonkaasi ka mid ah sida xafiis uu ku shaqeeyo,xarumo martida ay ku nastaan iyo xarumo kale,balse wuxuu sheegay in weli ay jirto baahiyo loo qabo horumarinta iyo dhameystirka dhismaha garoonkaasi diyaaradaha ee Jowhar.

“Intii aan joognay waxaan ku guuleysanay in aan soo geba gebeyno wejigii koowaad ee dib u dhiska garoonkaasi,waxaan hirgelinayay xafiisyo lagu shaqeeyo,meelo lagu nasto,balse waxaa loo baahanyahay xarun loogu talagalay in shirarka lagu qabto,taasina waxaan ka sugeynaa dhameystirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeele,ayuu yiri maareye Mukhtaar Abuukar Macalin.

Wuxuu uga mahadceliyay ganacsatada magaalada Jowhar oo kalin dhiirogelin ah ka qaatay dib u dhiska garoonkaasi diyaaradaha,isagoona sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan sidii dhameystiri lahaa inta ka dhiman.

Previous Post

Shirka qiimeynta Waxqabadka Warfaafinta XFS oo maanta la soo gabagabeynayo+Sawirro

Next Post

Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Kuwait Oo Ka Arrinsaday Diyaar Garowga Shirka Caalamiga Ee Waxbarashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Kuwait Oo Ka Arrinsaday Diyaar Garowga Shirka Caalamiga Ee Waxbarashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Kuwait Oo Ka Arrinsaday Diyaar Garowga Shirka Caalamiga Ee Waxbarashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In