Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WHO oo sheegtay in dunida uu kadilaacay nooc cusub oo xanuunka COVID-19 ah

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Tirada dadka qaba COVID-19 ee Caalamka oo Shan milyan kor u dhaafay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay in uu soo baxay nooc cusub oo kamid ah coronavirus ah, kaasoo halis ku ah dunida kana sii qartarsan noocyada Karoonaha ee horay loo soo arkay, waxaana hay’adda u bixisay Omicron.

Nooca cusub ee xanuunka ee COVID-19 ayaa si xowli ah ugu faafaya qaaradda Yurub, maalmo kadib markii saynisyahanno u dhashay waddanka South Africa ay halistiisa soo bandhigeen, wuxuuna walaac ku abuuray dowlado badan oo dunida ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Sabtidii adkeysay shuruucda kahortagga xanuunkan, iyada oo tijaabo caafimaad ka qaadi doonta dadka soogalaya xudduudaheeda, kaddib markii UK laga helay laba kiis.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in jiritaan xanuunkan markii ugu horreysay laga soo sheegay Koonfur Afrika 24-kii Nofembar, ee sanadkan, sidokale dalalka Botswana, Belgium iyo Hong Kong ayaa la sheegayaa jiritaanka kiisaska xanuunkan.

Wadamo dhowr ah ayaa hadda go’aansaday in ay mamnuucaan ama xaddidaan socdaalka iyo dadka imaanaya dhamaanba waddamada laga sheegay xanuunkan cusub.

Gudaha Mareykanka, Dr. Anthony Fauci, oo ah khabiirka cudurada faafa ee ugu sareeya dowladda, ayaa sheegay inuusan la yaabi doonin haddii nooca cusub ee COVID-19 ee omicron uu horeyba ugu sugnaa Mareykanka.

“Weli ma aynaan arag xanuunkan, laakiin marka uu jiro fayras muujinaya heerkan gudbinta ah, xilli kasta ayuu meel kasta gaari karaa” ayuu Dr. Fauci u sheegay TV-ga NBC.

Waxaa sidoo kale jirta cabi ah in xanuunkan uu awood u yeesho inuu u adkeysto tallaalka COVID-19.

Walaaca laga qabo in mar kale dunidu dib ugu noqoto xayiraadihii kahortagga xanuunkan ayaa isna isi soo taraya.

Ku dhawaad laba sano ayaa laga joogaa markii uu biloowday cudurka faafa ee COVID-19 ee galaafatay nolosha in ka badan 5 milyan oo qof oo ku kala nool daafaha caalamka.

Previous Post

Deni oo xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Asluubta Puntland iyo kii hore

Next Post

AGAASIMAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA OO KULAN LA QAATAY HOWL-WADEENNADA SHAQAALAHA MADAXTOOYADA

Next Post
AGAASIMAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA OO KULAN LA QAATAY HOWL-WADEENNADA SHAQAALAHA MADAXTOOYADA

AGAASIMAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA OO KULAN LA QAATAY HOWL-WADEENNADA SHAQAALAHA MADAXTOOYADA

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In