Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo saakay Dagan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Xaalada magaalada Gaalkacyo oo saakay ah mid dagan.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa saakay dagan xaalada magaalada Gaalkacyo oo baryahaan danbe ay ka socdeen dagaallo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Culamaa’udiinka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada ayaa wado dadaallo nabadeed oo lagu joojinaayo dagaallada ka socdo magaalada Gaalkacyo oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac aad u ballaaran.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

Sidoo kale, waxaa isa soo taraya gurmadka bani’aadanimo ee loo fidinaayo qoysaska ka barakacayaasha ah ee ka cararay colaadaha ka jiro magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana hey’adda ICRC ay shalay dadkaasi gaarsiisay gurmad raashin ah oo isugu jira bur, bariis iyo sokor si loola tacaalo xaaladda bani’aadanimo ee ay ku sugan yihiin barkacayaashaasi ku dhibaateysan duleedka magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adaha deeqaha bixiyo iyo shacabka Soomaaliyeed ee wax heysto waxa ay ugu baaqday in gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah lala gaaro dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan duleedka magaalada Gaalakacyo si wax looga qabto xaaladooda maadaama ay heysato dhibaato nololeed oo aad u liidato.

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada (SAWIRRO)

Next Post

Askari ka tirsan Ciidamad Dowladda oo Xakun Dil ah Lagu Riday

Next Post

Askari ka tirsan Ciidamad Dowladda oo Xakun Dil ah Lagu Riday

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In