Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladda magaallada Gaalkacyo oo saakay deggan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 2, 2015
in Wararka
0
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saakay deggan, ayadoo ay wali ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda Dhexe oo uu hoggaaminayo R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali.

Maanta ayaa la filayaa in magaallada ay ka dhacaan wada-hadallo u dhaxeeya labada maamul ee Puntland ee Galmudug. Aydoo gelinka hore ee maanta uu magaallada Gaalkacyo ku wajahan yahay madaxweynaha Puntland Dr. Cabwali Maxamed Cali.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Madaxweyneyaasha Koofur-Galbeed iyo Jubbaland ayaa sidoo kale ka mid ah masuuliyiinta ku sugan gobolka si ay uga qeyb qaataan damminta colaadda u dhaxeysa Galmudug iyo Puntland.

R/wasaare Cumar, ayaa sheegay inuusan Gaalkacyo ka soo laaban doonin ilaa laga gaaro xal nabadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dhiig Soomaaliyeed uu daato, ayadoo laga baaqsan karo, dhinacyada dagaallamay ayuu ugu baaqay inay nabad ka shaqeeyaan si dadku guryahooda ugu soo laabtaan.

Ciidammada deegaanka ee Puntland iyo Galmudug ayaa ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo dhexdeeda, halkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah, qaar kalena ay ka barakaceen.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Xukuumadda oo ganacsatada ugu baaqday inay canshuuraha bixiyaan

Next Post
R/wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladda xuquuqul insaanka dalka

Xukuumadda oo ganacsatada ugu baaqday inay canshuuraha bixiyaan

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In