Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiis qaabilsan isku xirka qaxootiga ku nool Kenya iyo Dowlada Soomaaliya oo Laga furay Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xafiis qaabilsan isku xirka qaxootiga ku nool Kenya iyo Dowlada Soomaaliya oo Laga furay Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaarada dowlada Soomaaliya ay ku leedahay dalkani Kenya ayaa maanta laga dhex furay xafiis qaabilsanaan doono isku xirka qaxootiga soomaaliyeed ee nool dalkani Kenya iyo dowlada Soomaaliya.

Xafiiskan ayaa waxaa maanta xarunta safaarada ka furay gudoomiyaha hay’adda barakacyaasha iyo qaxootiga qaranka Axmed Nuur iyo safiirka dowlada Soomaaliya u qaabilsan dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Danjiraha dowlada Soomaaliya u qaabilsan dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in xafiiskani uu isku xiri doono qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalkani Kenya iyo dowlada Soomaaliya.

“Ujeedada aan xafiiskan u furnay waxaa waaye,sida aad la socotaan waxaa jira heshiis seddax geesood ah oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR,waxaan rabnaa maadaama dad badan oo qaxooti soomaaliyeed ah ee dalkan joogaan waa in xafiis laga sameeyo halkan sida ku qoran heshiiska seddax geesoodka ah si uu u xiriiriyo baahida dadkaasi soomaaliyeed iyo dowlada,marka waxaa uu xafiiskan qaban doonaa waxyaabaha ay u baahanyihiin in qaxootiga soomaaliyeed loo qabto”Ayuu Yiri Danjire Jamaal.

Gudoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo qaxootiga qaranka Axmed Nuur ayaa isna sheegay in shaqada ugu muhiimsan oo uu xafiiskan qaban doono tahay labo qodob oo kala ah.

Tan koobaad waa In gudiga farsamada ee heshiiska seddax geesoodka ah uu xafiiskan kala shaqeeyo howlaha ay qabanayaan iyo tan labaad oo ah sida uu heshiisku qorayo in labada dowladood ay safaaradahooda ku yeeshaan xiriiriyaal iyo sidoo kale in ay qunsuliyadaha kala shaqeeyaan sidii dadka soomaalida ah gacan loogu siin lahaa sidii ay dalkooda ugu noqon lahaayeen,taasina waxa ay cadeeyneysaa sida ay dowlada Soomaaliya uga go’antahay sidii dadka soomaaliyeed ay dalkooda ugu laaban lahaayeen,iyadoo aan la qasbeynin oo waliba laga bixinayo tasiilaadkii ay ku laaban lahaayeen.

Dhinaca kale qunsulka safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkani Kenya Cali Maxamed Shiikh (Cali begadi) ayaa shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalkani Kenya ugu bishaareeyay in muddo 15 maalin gudahooda ah ku heli doonaan baasabooradoda marka ay codsadan kaddib.

“Waxaa rabaa in fariin u gudbiyo shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalkani Kenya,sida aad la soctaan seddaxdii bil ee ugu danbeysay ee kala ahaa Augusto,September iyo October dadkii codsaday baasaboorada soomaaliga ah wey ka daaheen,waxana arrintaasi sababay kala guur ka jira xafiiska isbedel ayaa ka dhacay,kadibna waxaan galnay dib u dhiska safaaradda,marka waxaan rabaa in dadkii seddaxdasi bil codsaday baasaboorada ay imaadaan xarunta safaaradda si ay u qaataan baasabooradooda”ayuu Qunsul Cali Begadi.

Cali begadi ayaa intaasi ku daray hada wixii ka danbeyaa laga bilaabo maalinta uu qofka muwaadinka codsado baasaboorka Soomaaliga ah uu heli doono muddo 15 maalmood ah.

IMG_0626 IMG_0627 IMG_0632 IMG_0633 IMG_0639 IMG_0655 IMG_0657

Sawir qaade:-Xasan Cumar Baffo

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo shir caalami ah uga qeybgalaya Kigali

Next Post

Wasiir Diini: “Gen Dhegabadan wuxuu ahaa Muwaadin Duruuf adag ugu soo shaqeeyey dalkiisa  Hooyo”

Next Post
Wasiir Diini: “Gen Dhegabadan wuxuu ahaa Muwaadin Duruuf adag ugu soo shaqeeyey dalkiisa  Hooyo”

Wasiir Diini: “Gen Dhegabadan wuxuu ahaa Muwaadin Duruuf adag ugu soo shaqeeyey dalkiisa  Hooyo”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In