Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska SOMINVEST ee wasaaradda Qorsheynta XFS oo ku biiray Ururka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Adduunka

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Xafiiska SOMINVEST ee wasaaradda Qorsheynta XFS oo ku biiray Ururka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya ee SOMINVEST, oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa ku biiray Ururka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga ee Adduunka (WAIPA) oo ay ku bahooben in ka badan 170 hay’adood oo dhiirigeliya maalgashiga oo ku kala yaal 130 dal.

WAIPA ayaa ka caawisa hay’adaha dhiirigelinta sidii aay sare ugu qaadi lahayeen karaankooda ku aaddan dhiirigelinta maalgashiga, sidii hay’aduhu isu dhaafsan lahayeen khibradaha dhiirigelinta maalgashiga iyo in sidii Dowladaha looga caawin lahaa hagaajinta iyo casriyeynta guud ahaan jawiga maalgashiga.

Related posts

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026

Sidoo kale, WAIPA waxa ay sare u qaadeysa xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dhiirigelinta maalgashiga dunida isla markaasna u diyaarinaysa doodo iyo cilmi-baaris ku aaddan hannaanka dhiirigelinta maalgashiga.

“Waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ku howlan dhiirigelinta maalagshiga waddanka Soomaliya. Waxaan, si gaar ah, ugu mahadcelinaya intii gacan ka geysatay gaarista hiigsigan ku biirista hay’addan caalamiga ah sida howl-wadeennada Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga” ayuu yiri Mohamed Dubo, Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST).

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomalaiya ayaa ku howlan soo jiidashada iyo hanashada maalgashi shisheeye si sare loogu qaado jawiga maalgashi ee dalka, loo dhaqan geliyo Qorshaha Horumarinta Qaranka isla markaana loogu abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed fursado shaqo.

Previous Post

Guddoomiye Mursal oo magacaabay guddi soo diyaara saamaynta Covid19 ku yeeshay dalka

Next Post

Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka oo xilka kala wareegay agaasimihii hore”SAWIRRO”

Next Post
Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka oo xilka kala wareegay agaasimihii hore”SAWIRRO”

Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka oo xilka kala wareegay agaasimihii hore"SAWIRRO"

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
0

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka,...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In