Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiisyada Warfaafinta hay’adaha Dowladda oo aqoon isweydaarsi uga furmay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Xafiisyada Warfaafinta hay’adaha Dowladda oo aqoon isweydaarsi uga furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon isweydaarsigani oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu soconayaa mudda seddex maalmood ah waxaana ka faaโ€™iideysanaya 30 xubnood oo ka socda Xafiisyada Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee Hayโ€™adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,

Marwo Fartuun Axmed Xasan Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo soo dhoweysay madaxda iyo hawlwadeenada hay’adaha dowladda ee ka qeyb galaya tababarkan ayaa kula dardaarantay ka faa’iidaysiga khubarada iyo wadaaga khibradaha ka qeyb galayaasha oo muhiim ah mustaqbal maareynta xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee xaaladaha deg dega ah

Related posts

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š  ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

Col. Cabdifitaax Xasan Adan Afhayeenka Booliiska oo ku hadlay afka ka qeyb galayaasha Aqoon isweydaarsiga ayaa tilmaamay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, isaga oo Wasaaradda Warfaafinta uga mahad celiyay isku keenida khubarada iyo hawlwadeenada dowladda ee xiriiirka Warbaahinta si maalmaha tababarka looga doodo habka xiriirka Warbaahinta loo maareeyo marka lagu jiro xaaladaha deg dega ah iyo guud ahaan iska qabka xafiisyada Warfaafinta.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo ka mid ah khuburada bixinaysa tababarka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta isku xirnaanta hay’adaha Dowladda ee xilliyada xaaladaha deg dega ah iyo ka baaraandega waxa loo gudbinayo Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa tilmaamay in Wasaaradda tababarkan u qabatay si loo xoojiyo iskaashiga hayโ€™adaha dowladda iyo iska warqabka xafiisyada xiriirka Warbaahinta ee xilliyadda xasaradaha iyo xaaladaha deg deg ah isaga oo u mahad celiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) oo taageeray tababarkani.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Yusuf Cumar ( Al-cadaala) oo furay tababarka ayaa sheegay in ujeedku yahay qaabeynta ra’yiga dadweynhaa iyo xiriirka Warbaahinta ee waqtiga xaaladaha deg dega ah si bulshadu u hesho xog sugan oo ka jawaabeysa xaaladda taagan,

Wasiir Caddaala ayaa intaa ku daray in hadafka aqoon isweydaarsigani sidoo kale yahay xoojinta isku xirnaanta xiriirka Warbaahinta ee hay’adaha dowliga ah iyo jiheynta dadweynaha maadaama iskaashiga lagama maarmaan u yahay guulaysiga ujeedooyinka dowladda .

Aqoon isweydaarsigan ayaa ka qeyb ka dedaalo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku xoojinaysa kor u qaadista awoodda iskaashiga iyo isku xirnaanta Warbaahineed hay’adaha dowladda, Wacyigalinta iyo jiheynta ra’yiga dadweynaha.

Previous Post

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay shirweynaha Baarlamaanka Carabta

Next Post

15-Xildhibaan oo loo fasaxay ka qeyb galka fadhiyada guud ee Golaha

Next Post
Golaha Shacabka oo meel mariyay sharci gaar ah oo ku saabsan jiheynta doorashooyinka heer Federaal โ€œSAWIRROโ€

15-Xildhibaan oo loo fasaxay ka qeyb galka fadhiyada guud ee Golaha

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š  ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

August 22, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In