Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu abaalmarinayay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii Ramadaanka oo Muqdisho ka dhacday

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Xaflad lagu abaalmarinayay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii Ramadaanka oo Muqdisho ka dhacday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad weyn oo lagu abaalmariyey tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii bishii Ramadaan ay qabatay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirrada warfaafinta iyo wasiirka arrimaha gudaha ee XFS, wasiirrada waxbashada dowladda federaalka iyo Galmudug, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, xubno ka tirsan BFS, maamulka Bangiga IBS, masuuliyiinta warbaahinta qaranka iyo marti sharaf badan ayaa ka soo qeyb galay xafladaan lagu soo gunaanaday tartan aqooneedkii bisha Ramadaan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Degmooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Hodan oo kala galay seddaxda kaalimood ee ugu horeysa tartanka ayaa caawa xafladaan lagu guddoonsiiyey koobka, waxaana dadaalkooda ugu hambalyeeyey masuuliyiintii ka soo qeyb gashay munaasabadda.

Sidoo kale degmooyinka kaalimaha hore ku guuleystay ee tartanka ayaa lagu abaal mariyay lacago loogu talagalay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaana tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo sanadkan ku guuleysatay tartanka ay heshay lacag dhan 2,000 (Labo kun oo dollar), halka tartamayaasha Gaalkacyo oo kaalinta 2-aad ka galay tartanka ay heleen 1,500 (kun iyo Shan boqol oo dollar) waxaana kaalinta 3-aad gashay Hodan oo iyana heshay lacag dhan 1,000 (Kun dollar).

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xeryaha ay ku tababaranayaan ciidamadeena ee dalka Eritrea

Next Post

Isra’iil oo ku dhawaaqday go’doominta Marinka Qasa

Next Post
Isra’iil oo ku dhawaaqday go’doominta Marinka Qasa

Isra’iil oo ku dhawaaqday go’doominta Marinka Qasa

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In