Tuesday, July 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu abaalmarinayay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii Ramadaanka oo Muqdisho ka dhacday

caqiil by caqiil
October 11, 2023
in Wararka
0
Xaflad lagu abaalmarinayay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii Ramadaanka oo Muqdisho ka dhacday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad weyn oo lagu abaalmariyey tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii bishii Ramadaan ay qabatay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirrada warfaafinta iyo wasiirka arrimaha gudaha ee XFS, wasiirrada waxbashada dowladda federaalka iyo Galmudug, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, xubno ka tirsan BFS, maamulka Bangiga IBS, masuuliyiinta warbaahinta qaranka iyo marti sharaf badan ayaa ka soo qeyb galay xafladaan lagu soo gunaanaday tartan aqooneedkii bisha Ramadaan.

Related posts

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025

Degmooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Hodan oo kala galay seddaxda kaalimood ee ugu horeysa tartanka ayaa caawa xafladaan lagu guddoonsiiyey koobka, waxaana dadaalkooda ugu hambalyeeyey masuuliyiintii ka soo qeyb gashay munaasabadda.

Sidoo kale degmooyinka kaalimaha hore ku guuleystay ee tartanka ayaa lagu abaal mariyay lacago loogu talagalay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaana tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo sanadkan ku guuleysatay tartanka ay heshay lacag dhan 2,000 (Labo kun oo dollar), halka tartamayaasha Gaalkacyo oo kaalinta 2-aad ka galay tartanka ay heleen 1,500 (kun iyo Shan boqol oo dollar) waxaana kaalinta 3-aad gashay Hodan oo iyana heshay lacag dhan 1,000 (Kun dollar).

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xeryaha ay ku tababaranayaan ciidamadeena ee dalka Eritrea

Next Post

Isra’iil oo ku dhawaaqday go’doominta Marinka Qasa

Next Post
Isra’iil oo ku dhawaaqday go’doominta Marinka Qasa

Isra’iil oo ku dhawaaqday go’doominta Marinka Qasa

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
0

Shirweynaha Spain–Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee...

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran...

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

July 7, 2025
0

The Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia has officially concluded the two-day National Consultative...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo  mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In