Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu taageerayay dowlad goboleedka Galmudug oo lagu qabtay Istambuul+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 27, 2015
in Wararka
0
Xaflad lagu taageerayay dowlad goboleedka Galmudug oo lagu qabtay Istambuul+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

July 9, 2025
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

July 9, 2025
Xaflad si heer sare ah  loo soo agaasimay, Laguna  soo Dhoweynayey Dowlad goboleedka Galmudug, Loogana Qeyb qaadanayey caleema Saarka madaxweynaha Maamulkaas, Md C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Lagu Qabtay xarunta Xafladaha Loogu Talo galay ee Sumuray magaalo Xeebeedka ganacsiga iyo dalxiiska ISTANBUL ee dalka Turkiga.
 Xafladdaan ayaa Waxaa Soo Qaban Qaabiyey Qaar ka Mid ah Ardayda soomaaliyeed ee Wax ka barta Dalka Turkiga ee ka soo Jeeda  Galmudug Waxaana ugu horeynt  Halkaas ka hadlay, Guddoomiyaha guddiga Qaban qaabada xafladda Maxamed Mooge Diini, isgoo si weyn ugu mahad celiyey Dhammaan ka soo Qeyb galayaashii xafladdaas, gaar ahaan dadka gobolada kale ee Turkiga ka yimid iyo kuwa ka yimid Dibadda intaba, Wuxuuna mahad gaar ah usoo jeediyey dadkii Qabsoomidda xafladdaan gacanta weyn ka geystay.
 Mid ka Mid ah Aqoon yahanada ka soo jeeda Galmudug oo Lagu magacaabo Cali Axmed ( Cali Dhuux ), ayaa isaguna ka hadlay kheyraadka faraha badan oo Soomaaliya rabbi ku manneystay gar ahaan Gobollada Galmudug, Isagoo Xusay in aqoonyahanno badani ay ka soo jeedaan Galmudug, Wuxuuna ku sababeeyey in 13-kii SYL ay Seddex meelood meeli ka soo jeeddo Galmudug.
Waxaa Iyaduna haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka Galmudug magacooda ku hadashay, Nasro Nuur Maxa’ud oo si Wanaagsan uga hadashay Wax ka qabadka haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Galmudug, Iyadoo ammaan gaar ah u soo jeedisay  guddigii farsamada ee lagu Dhisay maamulka   Galmudug, gaar ahaan guddoomiyahii Guddigaasi Xaliimo yarey.
Waxaa isaguna ku hadlayey magaca jaaliyadda Soomaaliyeed Faarax Salaad beer-side oo xusay inDadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay Joogaan laga Doonayo in ay isku xirnaadaan, isagoo ugu baaqay Midnimadooda iyo gudashada Waajibaadkooda Soomaalinimo…
 Waxaa Kaloo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha G/Sh/Hoose, MD C/qaadir  Sheekh maxamed Nuur ( SIIDDII ),
Isagoo Dhismaha Dowlad goboleedka galmudug ku tilmaamay Mid ummadda Soomaaliyeed Muhiim u ah, gaar ahaan, Dadweynaha ku Nool  Deegaanada galmudug, Isagoo Dadweynihii faraha badnaa ee ka soo Qeyb galay xafladaasi Usoo gudbiyey Salaan uu uga Siday madaxweynaha  Jamhuuriyadda federaalka soomaaliya MD Xasan Sheekh maxa’ud.
 Waxaana xafladdaasi lagu soo Bandhigay Filim gaaban oo ka Turjumayey barwaaqada Deegaanada galmudug, Iyado Ardaydu ay ku soo gudbiyeen Riwaayad xambaarsan farriin  ku saabsan Dhanka Waxbarashada taas oo halku Dheggeedu ahaa ( Ruuxuu Waxbartaa i baahi Tiri kara )aad ayaana loola dhacay jilliinka Sheekadaasi, Dhanka kalena Waxaa Halkaasi Lagu soo bandhigay, Ciyaaraha haddaha iyo Dhaqanka, Wilisaqada, Shiribka, Suurowga, Iyadoo ay goobta xafladda ka dhex babanayeen Calamada Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Kan galmudugba.
Waxaana Dadweynihii kala Duwanaa ee Halkaasi Isugu Yimid si Weyn u maaweeliyey fannaanniin Soomaaliyeed oo uu ka Mid ahaa fannaanka Weyn ee C/khaaliq maxamed Siraad oo soo bandhigay Heeso lala Dhacay iyo fannaaka Da’da yar ee faarax  Salaad Beerside..
Ugu dambeyntiina Waxaa Halkaasi  Lagu soo bandhigay CAKE Weyn oo Lagu Sharaxay Calanka Galmudug, Iyadoo xafladdaasina ay ku soo gabgabowday Jawi aad u Wanaagsan oo farax geliyey Dhammaan ka soo Qeyb galayaashii Halkaasi isugu Yimid.
image-1ab72531a01b4ea5bf93e44d1216ac61fb7d6d87bbb0498242cc627f1f027b79-V image-1ae478fe985196f5073648603e3d5b53c9ed3471bf14e114f1d220fdc5abbc3b-V image-2e6b0b0f7bef716357bf74f5f8d968fc4b8013face3103f25ab3624097f20146-V image-4b56d91bdb11822e753e414cb6ebe5e967f927c5c10c111f68a945ce22c11022-V image-4f70a4a74cf85928af0c518eec09c78e13ebcfd5edae2849d1a9dfad6ffac45d-V image-6c8641117a1406137537aad65655d2008d18467d19ba66d7182ebb14b4122a5f-V image-7aa2fda834c835e0789138557de16667d014c16a1ffdaf7bf2e696f0ea982858-V image-08d3cc7c56c515e30fb0f3c1f5439bfe4580e31c8cb4954dd362b4925a33ee59-V image-47f3f7609664a681be799f66f3fd0ef7d9639c2c9f40ba523112c0434c625a6c-V image-79be70853af9f0fec9e7b5039a5ff34921a2fe896117ffd7a807169f930bc55b-V image-99147eed2b63ad1b10cebe25edf5b8c3e10c6f69e7053bc542d79879c129bf75-V image-a9094b670ae5259637f0db8a2f05ad68113ea57cc129c2b8a9ee7ef9657138ca-V image-afaa02ff7da77c7c384a5357ed52b13215e52a8458b00bd4fbc7b497f797cb91-V image-fe0296c5558daff650cd536a528efd19a182f53576a36e6b6143756fa201df46-V
Previous Post

Munaasabad lagu daah furayay xarun caafimaad oo Maanta lagu qabtay Degmada Caabudwaaq+Sawirro

Next Post

Wasiirka Caafimaadka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo booqday dhaawacyada isbitaalka Madiina+Sawirro

Next Post
Wasiirka Caafimaadka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo booqday dhaawacyada isbitaalka Madiina+Sawirro

Wasiirka Caafimaadka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo booqday dhaawacyada isbitaalka Madiina+Sawirro

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

Safiirka aan joogtada ahayn ee dalka Comoros oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha dalkaas

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(COMOROS), Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo sidoo...

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay Guddiga Farasamada Ee Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(LAASCAANOOD), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta magaalada Laascaanood kulan kula...

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO),Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu fuliyay dhagar-qabe naftii hallige ah, kaasi oo...

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In