Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda caleemo saarka Madaxweye Farmaajo oo soo gobo gabowday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Xafladda caleemo saarka Madaxweye Farmaajo oo soo gobo gabowday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

xafladda maanta oo qatar ah

Munaasabadan lagu maamuusayay caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha labada gole ee shacabka iyo Aqalka sare, sidoo kale Guddoomiye ku-xigeeenada labada aqal, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti, Kenya, Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Sudan Ra’iiul wasaaraha Ethiopia, wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in maanta ay Soomaaliya u tahay maalin taariikhi ah, ayna soo dhaweynayaan xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha dalka, iyagoo balan qaaday inay la shaqey doonaan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ku talaabsatay nidaamka dimoqraadiyadda oo ay ku guuleysteen in ay xilka si nabad gelyo ah isugu wareejiyaan.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay ka qeyb galka xafladda caleema saarka, waxaana uu intaa ku daray in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya, waxaana uu Madaxweyneyaashii hore ee dalka uga mahadceliyay sida ay xilalka isugu kala wareegeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay xilligan ku talaabsaneyso horumar dhinac kasta leh, bulshaduna looga baahanyahay inay xoojiyaan la shaqeynta dowladdooda, isagoo fariin u diray Madaxweynaha cusub ee dalka in uu ka dhabeeyo rabitaanka shacabka ay u hayaan.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in boqol iyo 20 ka badan dowladood ay ka soo qeyb galeen xafladda, taasi oo ka turjumeysa halka ay Soomaaliya maanta joogto.

Madaxweynihii dowladdii KMG ahayd Mudane Shariif Sheekh Axmed oo isna hadal kooban ka jeediyay munaabadda ayaa tibaaxay in uu si sharuud la’aan ah ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub ee dalka, isagoo bogaadiyay waxqabadka afartii sano ee la soo dhaafay ee uu qabtay Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinac badan taabaneysa ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in nidaamka xil wareejinta ee aan muran ku jirin uu bilaabay Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Mudane Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu intaa ku daray in dowladda cusub looga fadhiyo inay qabato arrimo ay ka midyihiin dhameystirka waxyaabaha u qabsoomay dowladdii hore ee hakadka galay, hirgelinta qorshe cuusb oo rajo  u abuureysa bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyay inti ka soo qeyb gashay xafladda caleema saarka, waxaana uu ka hadlay qorshaha ay dowladdiisu hiigsaneyso oo ay ka midtahay arrimaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dibadda, arrimaha dib u heshiisiinta iyo dar dargelinta la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii rayidka ahaa ee dhawaan ku dhintay qaraxii ka dhacay suuq ku yaala degmada Wadajir, waxaana uu fariin u diray dhallinta ay marin habaabiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab inay ka soo tegaan oo ay isku soo dhiibaan dowladooda.

“Nabad diidka Al-Shabaab sanadkii lasoo dhaafay waxay ku laayeen 900 qof oo dad masaaakiin ah, doraad dad aan waxba galabsan ayey laayeen, waxaa u sheegayaa Al-Shabaab Ummadda Soomaaliyeed oo 12 milyan ka badan ma hor istaagi kartaan, waxaan idiin sheegayaa inaadan isku qarxin dadkiina Soomalaiyeed oo aad joojisaan, waxaan uga digaynaa Al-Shabaab inaysan dalkaan hor istaagi karin, waxaan ballanqaadeynaa in dhallinyarda la qalday aan fursad siin doono oo wax kasta siin doono hadey kusoo biiraan Soomaalida kale, maanta Soomaaliya waa isku duubantahay mana hor istaagi kartaan qolyaha Daacisha iyo argagixisada kamidka ah”ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Xafladdan oo lagu qabtay xarunta ciidanka cirka ee Afasiyoone ayaa waxaa suugaan ka hadlaysa nidaamka dowliga ah ku soo bandhigay fanaaniinta Kooxda Heegan ee ciidanka booliska.

 

 

 

 

Previous Post

Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Mudug oo deeq lacag ah gaarsiiyay gabar yar oo ku dhibaateysan degmada Ceel Guula

Next Post

Guddiga gurmadka abaaraha ee degmada Kaxda oo qorsheynaya inay kaalmo gaarsiiyaan qoysas soo barakacay

Next Post
Guddiga gurmadka abaaraha ee degmada Kaxda oo qorsheynaya inay kaalmo gaarsiiyaan qoysas soo barakacay

Guddiga gurmadka abaaraha ee degmada Kaxda oo qorsheynaya inay kaalmo gaarsiiyaan qoysas soo barakacay

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In