Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda isku aadka Kooxaha ee ciyaarta xagaaga ayaa lagu qabtay Columbus ( Ohio International Spring Cup 2018

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Xafladda isku aadka Kooxaha ee ciyaarta xagaaga ayaa lagu qabtay Columbus ( Ohio International Spring Cup 2018
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad loogu talo galay isku aadka ciyaaraha xiliga xagaaga ee sanadkan 2018 ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio. ( Ohio International Spring Cup 2018 )

Waxaa ka soo qeybgalay dhalinyaro aad u badan oo ka mid ah ciyaartooyda iyo tababarayaal Soomaali ah ,qaar kamid ah dhalinyarada ayaa ka yimid goboladda kale ee dalkan qaarkood si ay qeyb uga noqdaan qorituurkan.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Waxaa ka so qeybgalay Columbus City Council  Emmanuel V.Remy  oo ku tilmaamay Sportska waxa kaliya oo dhalinyarada u horseedi kara wanaag iyo in ay ka helaan xirfad iyaga oo ka weecanaya wadiiqooyinka xun xun, waxa uu muujiyay sida ay uga go’antahay xafiiskooda in uu dhalinyarada ka garabsiiyo qabsoomida barnaamijyada noocan oo kalaa.

Monica Hawkins oo ah looyarad  ka tirsan Maxkmada Franklin County ayaa iyana dhankeeda ka qeyb qaadanaysay sidii loo dhiirogalin lahaa dhalinyarada.

Burhan Ahmed oo ah Nin dhalinyaraa oo u ololeeya arimaha Bulshada isla markaana la shaqeeya qeybo ka mid ah laamaha caafimaadka iyo qareeno ayaa dhankiisa waxa uu si weyn u tilmaamay dhibaatada dhalinyarada ku haysta gobolkan iyo in sanad walba ay dhintaan dhalinyaro, kuwaas oo laga bad baadin karay hanaanka qaldan ee ay noloshooda u wajaheen, waxa uuna ugu baaqay dhalinyarada iyo jaaliyadaba in la iska kaashado samatabixinta dhalinyarta Soomaaliyeed ee ku nool Ohio.

Ali Seedoow oo ah Tababare ciyaarta kubada Cagta isla markaana ah madaxa Barnaamijkan ( Ohio International Spring Cup 2018 ) ayaa sheegay in waqti badan ay soogaliyeen barnaamijkan iyo in ay ugu talogaleen in dhalinyarada loo abuuro xiliyo ay nolosha shaqada iyo schoolka uga nastaan ciyaaraha halkii ay aadi lahayeen meel qaldan.
” Dhalinyarada hadaan la mashquulin oo aanan u abuurin barnaamijyo noocaan ah waxaa ashquulin doona kuwo aan wanaag iyo jiritaan u ogoleey ” ayuu yiri Ali Sedoow oo intaa ku daray in uu shaqsiyan mudo soo tababarayay Kooxo dhainyaraa iyada oo ana cidina dhaqaalo ku siinayn ilaa iyo iminkana uu diyaar u yahay howshaasi.
Farhan Abdi oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Dhalinyarada gobolka Kintucky ayaa dhankiisa waxa ka sheekeeyay howlaha ay dhalinyro ahaan ka hayaan Kintucky iyo ay jiraan Kooxo aad u badna oo ciyaara Kubada Cagta kuwaas oo sanadkan ka qeyb qadan doona ciyaaraha xagaaga ee sanadwalba lagu qabto Columbus Ohio.
Kowsar oo kamid ah dhalinyarada Columbus ku nool ayaa dhalinyarada ku dhiirogalisay howsha ay qabteen iyo sida ay iskugu xiranyihiin una doonayan in ay kuwa kale ugu yeeraan wanaaga, “Kubadu waa isku xiraha dhalinyara ayay tiri Kowsar”
Intabadan dadkii ka hadlay Qorituurka ayaa ka sinaa sida dhalinyarada ay muhiim ugu tahay Ciyaarta kubada taas oo Maskax ahaan, Jir ahaan, iyo dhaqan ahaanba ka ilaalinaysa.
Sanadwalba xiliga xagaaga waxaa Columbus soo buux dhaafiya dhalinyaro ka kala timaada Meelo kala duwan kuwaas oo ka qeyb qaata ciyaaraha xagaaga oo socda sadex cisho

Previous Post

Hey’adda IMF oo amaantay hab maamul-Maaliyadeedka Soomaaliya.

Next Post

Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda dalka oo tababar loogu qaaday Tansania+SAWIRRO

Next Post
Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda dalka oo tababar loogu qaaday Tansania+SAWIRRO

Saraakiil ka tirsan hay'adda socdaalka iyo jinsiyadda dalka oo tababar loogu qaaday Tansania+SAWIRRO

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In