Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda isku aadka Kooxaha ee ciyaarta xagaaga ayaa lagu qabtay Columbus ( Ohio International Spring Cup 2018

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Xafladda isku aadka Kooxaha ee ciyaarta xagaaga ayaa lagu qabtay Columbus ( Ohio International Spring Cup 2018
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad loogu talo galay isku aadka ciyaaraha xiliga xagaaga ee sanadkan 2018 ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio. ( Ohio International Spring Cup 2018 )

Waxaa ka soo qeybgalay dhalinyaro aad u badan oo ka mid ah ciyaartooyda iyo tababarayaal Soomaali ah ,qaar kamid ah dhalinyarada ayaa ka yimid goboladda kale ee dalkan qaarkood si ay qeyb uga noqdaan qorituurkan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Waxaa ka so qeybgalay Columbus City Council  Emmanuel V.Remy  oo ku tilmaamay Sportska waxa kaliya oo dhalinyarada u horseedi kara wanaag iyo in ay ka helaan xirfad iyaga oo ka weecanaya wadiiqooyinka xun xun, waxa uu muujiyay sida ay uga go’antahay xafiiskooda in uu dhalinyarada ka garabsiiyo qabsoomida barnaamijyada noocan oo kalaa.

Monica Hawkins oo ah looyarad  ka tirsan Maxkmada Franklin County ayaa iyana dhankeeda ka qeyb qaadanaysay sidii loo dhiirogalin lahaa dhalinyarada.

Burhan Ahmed oo ah Nin dhalinyaraa oo u ololeeya arimaha Bulshada isla markaana la shaqeeya qeybo ka mid ah laamaha caafimaadka iyo qareeno ayaa dhankiisa waxa uu si weyn u tilmaamay dhibaatada dhalinyarada ku haysta gobolkan iyo in sanad walba ay dhintaan dhalinyaro, kuwaas oo laga bad baadin karay hanaanka qaldan ee ay noloshooda u wajaheen, waxa uuna ugu baaqay dhalinyarada iyo jaaliyadaba in la iska kaashado samatabixinta dhalinyarta Soomaaliyeed ee ku nool Ohio.

Ali Seedoow oo ah Tababare ciyaarta kubada Cagta isla markaana ah madaxa Barnaamijkan ( Ohio International Spring Cup 2018 ) ayaa sheegay in waqti badan ay soogaliyeen barnaamijkan iyo in ay ugu talogaleen in dhalinyarada loo abuuro xiliyo ay nolosha shaqada iyo schoolka uga nastaan ciyaaraha halkii ay aadi lahayeen meel qaldan.
” Dhalinyarada hadaan la mashquulin oo aanan u abuurin barnaamijyo noocaan ah waxaa ashquulin doona kuwo aan wanaag iyo jiritaan u ogoleey ” ayuu yiri Ali Sedoow oo intaa ku daray in uu shaqsiyan mudo soo tababarayay Kooxo dhainyaraa iyada oo ana cidina dhaqaalo ku siinayn ilaa iyo iminkana uu diyaar u yahay howshaasi.
Farhan Abdi oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Dhalinyarada gobolka Kintucky ayaa dhankiisa waxa ka sheekeeyay howlaha ay dhalinyro ahaan ka hayaan Kintucky iyo ay jiraan Kooxo aad u badna oo ciyaara Kubada Cagta kuwaas oo sanadkan ka qeyb qadan doona ciyaaraha xagaaga ee sanadwalba lagu qabto Columbus Ohio.
Kowsar oo kamid ah dhalinyarada Columbus ku nool ayaa dhalinyarada ku dhiirogalisay howsha ay qabteen iyo sida ay iskugu xiranyihiin una doonayan in ay kuwa kale ugu yeeraan wanaaga, “Kubadu waa isku xiraha dhalinyara ayay tiri Kowsar”
Intabadan dadkii ka hadlay Qorituurka ayaa ka sinaa sida dhalinyarada ay muhiim ugu tahay Ciyaarta kubada taas oo Maskax ahaan, Jir ahaan, iyo dhaqan ahaanba ka ilaalinaysa.
Sanadwalba xiliga xagaaga waxaa Columbus soo buux dhaafiya dhalinyaro ka kala timaada Meelo kala duwan kuwaas oo ka qeyb qaata ciyaaraha xagaaga oo socda sadex cisho

Previous Post

Hey’adda IMF oo amaantay hab maamul-Maaliyadeedka Soomaaliya.

Next Post

Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda dalka oo tababar loogu qaaday Tansania+SAWIRRO

Next Post
Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda dalka oo tababar loogu qaaday Tansania+SAWIRRO

Saraakiil ka tirsan hay'adda socdaalka iyo jinsiyadda dalka oo tababar loogu qaaday Tansania+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In