Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladii xuska TVga Qaranka oo soo gabagaboowday iyo wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la howlgaliyay{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 5, 2015
in Wararka
0
Xafladii xuska TVga Qaranka oo soo gabagaboowday iyo wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la howlgaliyay{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada oo si heerkeedu sareeyo loo soo agaasimay isla markaana loogu dabaal dagayay 4 sano guurada ka soo wareegatay markii dib loo howlgaliyay TV ga Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa xalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaana ka qayb galay Xaflada Wasiiro Xildhibaano Culimo.udiin Haweenka Qaranka  shaqaalaha wasaarada warfaafinta iyo marti sharaf kale .

Munaasbada ayaa waxaa intii ay socotay ay hobolada Qaranka waabari ay ku soo bandhigeen heeso iyo majaajilo ay ka qayb qaadanayeen farxada xuska dib u howl galinta TV Ga Qaranka sidoo kale qaar ka mid ah howlwadeenada TVga ayaa waxaa ay iyana soo bandhigeeen riwaayad qiimo badan oo ay ku muujinayeen halgankii loo soo maray in warbaahinta qaranka la soo gaarsiiyo heerka ay maanta joogto iyo sida ay uga faa,iideesteeen bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Mas,uuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay Xaflada waxaana ay ka sinaayeen in TVga Qaranka iyo Radio Muqdisho ay qaateeen door lama ilaabaan ah bulshada Soomaaliyeed dalka iyo dibadana ay u horseedeen in ay ku dhiiradaan dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Cabdi Raxmaan Yuusuf Sheikh Al Cadaala oo ugu horeyn ka hadlay Xaflada ayaa waxaa uu warbixin dheer mas,uuliyiinta ka siiyay heerarkii kala duwanaa eee ay soo martay warbaahinta Qaranka RM&SNTV isla markaa waxaa uu balan qaaday in bilaha soo socda TVga Qaranka Goob kasta oo dunida ka mid ah LIVE looga daawan doono.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheikh Axmed Gabale ayaa wxaa ay hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaan madaxda iyo howlwadeenada Warbaahinta qaranka iyadoo kula dardaarantay in ay halkaa ka sii wadaan u adeegida Bulshada.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ahaa mas,uuliyiinta hadalada qiimaha badan ka soo jeediyay xaflada Xuska 4.sano guurada ka soo wareeegtay markii dib loo howl galiyay SNTV ayaa waxaa uu Hambalyeeyay dhankiisa Howlwadeena Warbaahinta Qaranka.

Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdi Kariin Xasan Jamaac oo ahaa Wasiirkii ku guuleestay laguna xasuusto dib u howlgalinta Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu Madaxda Wasaaradda kula dardaarmay in shaqaalaha Wasaaradda la tayeeeyo aqoontoodana kor loo qaado isaguna uu ka qayb qaadanayo arintaas.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Raxmaan Cali Ceynte oo ayaa hambalyo ka dib waxaa uu la dar daarmay howl wadeeenada Radio Muqdisho iyo SNTV waxaana uu dar daarankiisu ahaa wasiirka in ay runta ka sheegaan wax walba oo ay bulshada u tabinayaan..

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya oo soo xiray Xafladaan Quruxda Badan ayaa waxaa uu ka hadlay qorshayaasha horyaala Wasaaradda Sanadkaan isagoo xusay in dib Wasaaradu u howlgalineyso  Xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Tiyaatarka Qaranka Madbacada Qaranka iyo kuwa kale.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa caawa waxaa uu si rasmi ah u furay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Soonna taas oo ah wakaalad facweyn lkn Burburkii Dalku galay wixii ka dambeeyay aan si wanaagsan u howlgalin waxaana uu wasiir Maareeye sheegay in Sonna Noqon doonto wakaalad laga qaato Wararka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana wax ku baahin doonta Luqadaha Soomaaliga Carabiga iyo English-ka .

 

IMG_3201 IMG_3233 IMG_3241 IMG_3242 IMG_3243 IMG_3259  IMG_3273   IMG_3319 IMG_3320    IMG_3334 IMG_3338  IMG_3340  IMG_3342     IMG_3351         IMG_3360 IMG_3361   IMG_3364   IMG_3368 IMG_3369 IMG_3370 IMG_3371 IMG_3372 IMG_3373 IMG_3374   IMG_3377 IMG_3378  IMG_3380  IMG_3382  IMG_3384 IMG_3385 IMG_3386  IMG_3388 IMG_3389  IMG_3391        IMG_3399   IMG_3402          IMG_3412         IMG_3422

Sawir Qaade: Qadar, Sakariye iyo Maxamed Cabdiweli

 

 

Previous Post

Kooxaha Atletico Madrid iyo Sevilla oo Badiyay

Next Post

Kooxda Juventus oo Ka Adkaatay Kooxda Empoli

Next Post
Kooxda Juventus oo Ka Adkaatay Kooxda Empoli

Kooxda Juventus oo Ka Adkaatay Kooxda Empoli

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In