Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarumo Loogu Adeegayo Bulshada Oo Laga Hirgelinayo Deegaan Koonfur Galbeed Ka Xiga Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Xarumo Loogu Adeegayo Bulshada Oo Laga Hirgelinayo Deegaan Koonfur Galbeed Ka Xiga Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeerkaan oo ahaa mid Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Galmudug  Xirsi Yuusuf Barre oo ay wehliyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Waxgarad iyo aqoonyahanno ay ugu kuur galayeen baahiyada dhanka adeegyada bulshada ee ka jirta deegaannada hoostaga Galkacyo ayaa gaaray deegaanka Qoora Sayn oo ka mida deegaanada dhaca dhinaca koonfur galbeed ee magaalada Galkacyo, halkaasi oo ay ka jiraan dhamaan baahiyo la xariira dhanka adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada

Mas’uuliyiinta oo markii ay deegaankaasi gaareen si weyn loogu soo dhaweeyay ayaa kulan iswareysi ah la qaatay Maamulka iyo qeybaha bulshada deegaanka Qoora Sayn, kuwaasi oo ka hadlay baahiyada dhanka adeegyada bulshada oo ay xuseen in ay bilaabeen qaarkood hirgalintooda Maamulkana ay ka codsanayaan dhameystirkooda.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Isu Duwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi ayaa tilmaamay inay gacan ka geysanayaan dib u dhiska xarumaha loogu adeegayo bulshada.

Duqa Degmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa bogaadiyay isku tashiga ay sameeyeen bulshada deegaankaasi isagoo sheegay in ka Maaamul ahaan ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan wax ka qabashada baahiyada aas aaska u ah nolasha aadanaha.

Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada Baarlamaanka Galmudug Yoonis Maxamed Shaare ayaa sheegay inay ka jawaabi doonan baahida ka jirta deegaanka.

Ugu danbey waxaa halkaasi ay mas’uuliyiintu uga dhagax dhigeen dhismaha xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo xarunta bulshada kuwaas oo dhismahooda la bilaabay.

Previous Post

Madaxweyne Farmaamjo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Next Post

Saraakiil Ciidan Iyo Maamulka Gobolka Shabelelaha Dhexe Oo Kormeeray Fariisimo Ciidan “SAWIRRO”

Next Post
Saraakiil Ciidan Iyo Maamulka Gobolka Shabelelaha Dhexe Oo Kormeeray Fariisimo Ciidan “SAWIRRO”

Saraakiil Ciidan Iyo Maamulka Gobolka Shabelelaha Dhexe Oo Kormeeray Fariisimo Ciidan “SAWIRRO”

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In