Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun ay ku shaqeynayaan Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta oo laga hirgelinayo Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 6, 2016
in Wararka
0
Xarun ay ku shaqeynayaan Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta oo laga hirgelinayo Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaruntan oo noqondoonta meel ay ku shaqeeyaan maxkamadaha iyo xeer ilaalinta, dadka maxkamaduhu xukumaana lagu hayndoono ayaa laga hirgalinayaa galbeedka magaalada Cadaado, waxaana maanta waxaa si wada jir ah u dhagax dhigay Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamad Jaamac iyo Xeer guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Guddoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole ayaa sheegay in maamulka degmadu uu ku deeqay dhulkan oo ah hal KM oo isku weer ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in meeshan xabsi kaliya aysan noqon doonin balse xafiisyo xeer ilaalintu leedahay laga hirgalindoono, si ay u noqoto meel adeegyo dhamaystiran leh.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in hirgalinta dhismahan ka dib ay noqon doonto meel maxaabiistu cadaalad iyo daryeel ku helaan.

“Xabsiyada Soomaaliya waxaan doonaynayaa inaysan noqon baqaaro dadka lagu ciqaabo, balse meeshan waxaan u diyaarinaynaa in maxaabiistu daryeel iyo waxbarashaba ka helaan oo warshado yar yar ayaa ka hirgalinaynaa” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in tani ay tahay waxqabad muuqdo oo iskaashi dhinacyo badan ah ku hirgalay, ayna muujineyso sida ay muhiim ugu tahay in loo helo xarumo ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta, si maxaabiista ay u helaan xaquuqdooda.

DSC00311 DSC00313 DSC00314 DSC00315 DSC00317 DSC00318  DSC00320 DSC00321 DSC00322 DSC00323

Previous Post

Shirkadda IMT oo ka warbixisay howlaha ay ka caawiyaan dowladda Hoose ee Xamar “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo kulamo la qaatay saraakiil ku sugan Shalaanbood

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo kulamo la qaatay saraakiil ku sugan Shalaanbood

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In