Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun Cilmi Baaris Ah Oo Cadaado Laga Furay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 10, 2015
in Wararka
0
Xarun Cilmi Baaris Ah Oo Cadaado Laga Furay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada lagu furayay xaruntani cilmi baarista iyo tababarada Galmudug oo maanta magaalada Cadaado lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha wasiirada iyo Baarlamanka Galmudug, aqoonyano iyo marti sharaf kale.

Axmed Maxamed Axmed Agaasimaha guud ee xaruntan cilmi baarista ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay qabandoonaan iyo cilmi baaristu muhiimadda ay deegaanka u leedahay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Cilmiga, tababarada iyo wax alaala wixii baaris ah oo aan rabno inaan ka samayno deegaanka inaan la kaashano dadka, waxaa naga go’an inaan ka gudbin Dastuurka Galmudug, inaan dawladda Soomaaliya la shaqayno, waxaa naga go’an markaan rabno inaan cilmi baaris samayno inaanan hotelada fariisan, anaga ayaa u tagayna, wiilka Geela jira anaga ayaa soo waraysanayna, iyada oo maqal iyo muuqaal ah ayaan u soo gudbinaynaa wasiirada iyo xildhibaanada” ayuu yiri Mr Axmed Maxamed Oo ah Agaasimaha xaruntani.

Xildhibaan Xasan Xirsi Shidane oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in uu xaruntani u arko mid muhiim ah.

“Waxaa laga yaabaa hay’adii ku fiicnayd dhirta inay aado kaluunku meeshuu jiro iyo Badda, waxaan marka soo dhawaynaynaa daraasad ay Galmudug leedahay oo aruursan oo diyaarsan dowladuna ka warqabto in meel laga heli karo ay jirto, hay’ad walba waxa ay ku fiicantahay meesha ay jiraan in loo tilmaamo aadbaan u soo dhawaynaynaa” ayuu yiri Xildhibaan shidane.

wasiirka madaxtooyada Galmudug Xuseen Qaasim Iidow oo isna ka hadlay furitaanka xaruntan ayaa sheegay in maamulka ay wax badan ka saacidi doonto.

“Maanta oo dawlad goboleedka Galmudug ay jirsatay bishii labaad waxaa hormar wayn ah inaan yeelano hay’ad ay ku midaysanyihiin dadkeena aqoonta iyo maskaxda leh oo hadana u taagan inay baaris ku sameeyaan baahida bulshada, horumar aad u wayn oo muddo kooban lagu gaaray” ayuu yir Iidow.

Cilmi baarista oo horay aan ugu xooganayn Deegaanada Galmudug ayaa hadda laga filayaa xaruntan inay daaha ka qaado macluumaad badan oo nolosha bulshada muhiim u ah.

DSC00810 DSC00816 DSC00817 DSC00818 DSC00824 DSC00829 DSC00830 DSC00834 DSC00838 DSC00843 DSC00845 DSC00851 DSC00861 DSC00864 DSC00869

Sawir Qaade: Maxamuud Cabdi Diirshe

Previous Post

Dhismaha Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Xarigga Laga Jiray+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Xasan Oo Kulamo Lagu Dar Dar Galinayay Amniga Afgooye Kula Qaatay Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan Iyo Saraakiisha Ciidamada “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Xasan Oo Kulamo Lagu Dar Dar Galinayay Amniga Afgooye Kula Qaatay Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan Iyo Saraakiisha Ciidamada “Sawirro”

Madaxweynaha Xasan Oo Kulamo Lagu Dar Dar Galinayay Amniga Afgooye Kula Qaatay Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan Iyo Saraakiisha Ciidamada "Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In