Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

XARUNTA DEGMADA HELIWAA OO DIB UDHIS IYO QALABEYN LAGU SAMEEYAY+SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
XARUNTA DEGMADA HELIWAA OO DIB UDHIS IYO QALABEYN LAGU SAMEEYAY+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa dhawaan waxa ay dib udhis, Qurxin iyo Qalabeyn ku sameeyeen Xarunta iyo Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maamulkaas, si dib loogu soo celiyo bilicda iyo quruxda ay leheyd degmada Heliwaa.

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Abdulhakiim Omar Abdulle oo wareysi siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in asiga iyo maamulkiisu ay ku howlan yihiin sidii dib loogu soo celin lahaa bilicda iyo amniga degmada, si shacabka ku dhaqan degmada Heliwaa ay ugu dhiiradaan horumarinta deegaankooda maadaama ay saameeyen dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

“Anaga Degmada Heliwaa uma imaan in aan ka shaqeysano ee waxaa u imaanay in aan u shaqeyno shacabka dhibaateysan ee ku dhaqan gudaha degmada Heliwaa. Insha allah waxaa qorsheyneynaa in sanadka soo socdo aan ka shaqeyno arimo badan oo ay ka mid yihiin dib udhiska wadooyinka baaba’san iyo furista Xafiisyo ay ku shaqeeyaan Maamulka Waaxyaha Degmada Heliwaa, si loo daadajiyo nidaamka dowlad wanaaga” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Md. Abdulhakiim Omar Abdulle.

Sidoo kale Gudoomiye Abdihakiin ayaa sheegay in isla sanadkaan ay degmada Heliwaa ka hirgalin doonaan qaar ka mid ah xafiisyada Adeegyada Dowlada Hoose ee ay ka mid yihii xafiiska fasaxyada dhismaha, Xafiiska Dhalashada iyo Sugnaan, Xafiiska Shatiyada Ganacsiha iyo Xafiiska Duplicateka si bulshada ku dhaqan degmada Heliwaa ay u helaan adeeg dowladeed oo dhameystiran.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Md. Abdulhakiim Omar Abdulle ayaa shacabka degan degmada Heliwaa waxa uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga iyo horumarka degmadooda si loo suuliyo fikirka qaldan ee laga qabo degmada Heliwaa oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn Gobolka Banaadir.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre: Sida Dunidu Noola Dhaqanto Iyo qanaacada Dadka Soomaaliyeed, Waxaa lafdhabar u Ah Garsoorka Dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre: Sida Dunidu Noola Dhaqanto Iyo qanaacada Dadka Soomaaliyeed, Waxaa lafdhabar u Ah Garsoorka Dalka

Ra’iisul Wasaare Khayre: Sida Dunidu Noola Dhaqanto Iyo qanaacada Dadka Soomaaliyeed, Waxaa lafdhabar u Ah Garsoorka Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In