Waxaa xarigga laga jaray Xarunta Hanuuninta iyo daaweyn kutalax-tagga diinta, waxaana ka qayb galay xafladan Wasiirka arrimaha Amniga, Wasiir key xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, taliyaha nabad sugidda, culimaa’udiin Culumaa udiin iyo Aqoonyahan.
Madaxa xarunta Hanuuninta & Daawaynta kutalax-tagga diinta ee Cabdiraxmaan Sahal ayaa sheegay in xarunta ay xoogga saari doonto sidii fikirka qaldan ee lagu shubay dhalinyarada Soomaaliyeed looga daawayn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo qabta cudurkaas.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in dhallinyarada ay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan.
Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa xusay in xarunta ay noqon doonto goobta lagu dhaqan celiyo dhallinyarada la qalday.
Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Diinta Macalin Cali Aadan ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta xaruntan, Wasaaraduna ay qorsheyneyso sidii ay arrintan ay ku taageeri lahayd.
Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in loo baahanyahay in si wanaagsan loola shaqeeyo dadka xarunta gacanta ku haya, isagoo xusay inay tahay meesha kaliya ee laga hagi karo dadka lagu marin habaabiyay fikirka qaldan ee ay Shabaabku aaminsanyihiin.
Xarunta Hanuuninta iyo Daawaynta kutalax-tagga waa Xarun Soomaaliyeed, oo madax bannaan, kana shaqaynaysa xalinta muranka la xiriira diinta, iyada oo adeegsanaya qaboobab kala duwan, sida wadahal, muxaadarooyin iyo qaabab kale oo dadka u horseedaya is fahan, is dhaxgal.