Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta Hanuuninta iyo Daaweynta  kutalax-tagga Diinta oo laga furey Muqdisho

caqiil by caqiil
June 15, 2015
in Wararka
0
Xarunta Hanuuninta iyo Daaweynta  kutalax-tagga Diinta oo laga furey Muqdisho

????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa xarigga laga jaray Xarunta Hanuuninta iyo daaweyn kutalax-tagga diinta, waxaana ka qayb galay xafladan Wasiirka arrimaha Amniga, Wasiir key xigeenka Wasaaradda  Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,  taliyaha nabad sugidda, culimaa’udiin Culumaa udiin iyo Aqoonyahan.

Madaxa xarunta  Hanuuninta & Daawaynta kutalax-tagga diinta ee Cabdiraxmaan Sahal ayaa sheegay in xarunta ay xoogga saari doonto sidii fikirka qaldan ee lagu shubay dhalinyarada Soomaaliyeed  looga daawayn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo qabta cudurkaas.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in dhallinyarada ay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa xusay in xarunta ay noqon doonto goobta lagu dhaqan celiyo dhallinyarada la qalday.

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Diinta Macalin Cali Aadan ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta xaruntan, Wasaaraduna ay qorsheyneyso sidii ay arrintan ay ku taageeri lahayd.

Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in loo baahanyahay in si wanaagsan loola shaqeeyo dadka xarunta gacanta ku haya, isagoo xusay inay tahay meesha kaliya ee laga hagi karo dadka lagu marin habaabiyay fikirka qaldan ee ay Shabaabku aaminsanyihiin.

Xarunta Hanuuninta iyo Daawaynta kutalax-tagga  waa Xarun Soomaaliyeed, oo madax bannaan, kana shaqaynaysa xalinta muranka la xiriira diinta, iyada oo adeegsanaya qaboobab kala duwan, sida wadahal, muxaadarooyin iyo qaabab kale oo dadka u horseedaya is fahan, is dhaxgal.

 

Previous Post

Madaxweyne Al-Bashiir oo Koonfur Afrika ka tagay xilli uu jirey amar maxkamadeed

Next Post

Tartan Sport oo loo qabtay maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar

Next Post
Tartan Sport oo loo qabtay maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar

Tartan Sport oo loo qabtay maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), nudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen...

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025
0

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

July 17, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In