Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun lagu dhiiri gelinayo isdhexgalka bulshada oo laga hirgeliyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xarun lagu dhiiri gelinayo isdhexgalka bulshada oo laga hirgeliyay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane C/rashiid Xaashi Cartan ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray xarun loogu talagalay in dhallinyaradu ay ka faa iideeystaan barnaamijyada la xariira is dhax galka bulshada iyo horumarinta Nabadda Gobalka, taasoo hirgalinteeda ay iska kaashadeen maamulka Gobalka, Hay’adda S.S.F iyo Ganacsade Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa.

Munaasabada furitaanka xaruntaan oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin iyo xubno ka socday ururada dhallinyarada iyo bahda Isboortiga ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Farxaan Yuusuf Aadan oo ka mida Howlwadeenada xarunta lagu qabanayo tartanka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

“Xaruntaan waa xarun loogu tala galay in dhallinyaradu ay madadaalo ka helaan oo ay kaga baxaan tahriibka iyo ficilada xun xun, xaruntu isboorti kaliya maahan ee waxay sidoo kale leedahay laybareeri aan ugu tala galnay waqtiyada ay firaaqada leeyihiin ineey wax ka aqristaan, waxaana yaala kutubtii oo nooc walba leh maadi iyo Diini, waxaa kaloo halkaan aan ku aheynaa tababar kumbuyuutar oo 6 bilood ah sidaa darted waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradu ay ka faa ideeystaan fursadan nasiibka u yeesheen” ayuu yiri Farxaan.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu horeyn uga  mahad celiyay Hay’adda S.S.F sida ay uga gacansiiyeen hirgalinta xaruntaan, isagoo dhanka kalana sheegay in dhallinyaradu ay kaga faa iideystaan xaruntaan ka  shaqeeynta isdhaxgalka bulshada Gobalka si looga gudbo colaadaha iyo dhibaatada ka taagan Magaalada Galkacyo iyo guud ahaan Gobalka.

Qaar ka mida dhallinyaradii munaasabadda ka soo qeyb galay oo aan la dhax qaaday makaroofanka Warbaahinta Qaranka ayaa dhankooda ka hadlay dareenkooda waxaana ay si weyn usoo dhaweeyeen hirgelinta xaruntaan oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid ay kaga faa’ideeysanayaan isdhaxgalka bulshada iyo ka shaqeynta Nabadda.

Cabdirisaaq Maxamed Axmed

Previous Post

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale oo ka qeyb qaadanaya ololaha Nadaafadda

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale oo ka qeyb qaadanaya ololaha Nadaafadda

DAAWO SAWIRRADA: Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale oo ka qeyb qaadanaya ololaha Nadaafadda

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In