Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun lagu dhiiri gelinayo isdhexgalka bulshada oo laga hirgeliyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xarun lagu dhiiri gelinayo isdhexgalka bulshada oo laga hirgeliyay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane C/rashiid Xaashi Cartan ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray xarun loogu talagalay in dhallinyaradu ay ka faa iideeystaan barnaamijyada la xariira is dhax galka bulshada iyo horumarinta Nabadda Gobalka, taasoo hirgalinteeda ay iska kaashadeen maamulka Gobalka, Hay’adda S.S.F iyo Ganacsade Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa.

Munaasabada furitaanka xaruntaan oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin iyo xubno ka socday ururada dhallinyarada iyo bahda Isboortiga ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Farxaan Yuusuf Aadan oo ka mida Howlwadeenada xarunta lagu qabanayo tartanka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Xaruntaan waa xarun loogu tala galay in dhallinyaradu ay madadaalo ka helaan oo ay kaga baxaan tahriibka iyo ficilada xun xun, xaruntu isboorti kaliya maahan ee waxay sidoo kale leedahay laybareeri aan ugu tala galnay waqtiyada ay firaaqada leeyihiin ineey wax ka aqristaan, waxaana yaala kutubtii oo nooc walba leh maadi iyo Diini, waxaa kaloo halkaan aan ku aheynaa tababar kumbuyuutar oo 6 bilood ah sidaa darted waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradu ay ka faa ideeystaan fursadan nasiibka u yeesheen” ayuu yiri Farxaan.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu horeyn uga  mahad celiyay Hay’adda S.S.F sida ay uga gacansiiyeen hirgalinta xaruntaan, isagoo dhanka kalana sheegay in dhallinyaradu ay kaga faa iideystaan xaruntaan ka  shaqeeynta isdhaxgalka bulshada Gobalka si looga gudbo colaadaha iyo dhibaatada ka taagan Magaalada Galkacyo iyo guud ahaan Gobalka.

Qaar ka mida dhallinyaradii munaasabadda ka soo qeyb galay oo aan la dhax qaaday makaroofanka Warbaahinta Qaranka ayaa dhankooda ka hadlay dareenkooda waxaana ay si weyn usoo dhaweeyeen hirgelinta xaruntaan oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid ay kaga faa’ideeysanayaan isdhaxgalka bulshada iyo ka shaqeynta Nabadda.

Cabdirisaaq Maxamed Axmed

Previous Post

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale oo ka qeyb qaadanaya ololaha Nadaafadda

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale oo ka qeyb qaadanaya ololaha Nadaafadda

DAAWO SAWIRRADA: Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale oo ka qeyb qaadanaya ololaha Nadaafadda

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In