Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Xayawaan caan kanoqday baraha bulshada”SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Maqaallo
0
Xayawaan caan kanoqday baraha bulshada”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa Ey ku nool waddooyinka, oo lagu magacaabo Boji, kaas oo jecel inuu ku safro gaadiidka magaalada ugu weyn Turkiga.

Wuxuu raacaa basaska, tareenada dhulka hoostiisa mara iyo doomaha.

Qofna ma oga sida uu u bartay nidaamka ku safarka gaadiidka dadweynaha.
Laakiin darawal kaxeeya mid ka mid ah basaska korontada ku shaqeeya ayaa sheegay in ay yaqaaniin Boji, sidoo kalena in asluubtiisa iyo akhlaaqdiisa marka uu fuulayo iyo ka degaya baabuurkiisa ay tahay inuu tusaale u noqdo dhammaan rakaabka aadanaha.

Boji waxa uu si joogto ah u kasbaday quluubta dadka deggan Istanbul, isaga oo sidoo kale dad badan ka dhigayay in ay la yaaban yihiin sida uu ula qabsaday caadada safarkan oo kale.

Aylin Erol, oo u shaqeysa Metro Istanbul, ayaa sheegay ka dib markii ay arkeen sawirada Eyga oo lagu faafiyay baraha bulshada, ay go’aansadeen inay ku xiraan microchip si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa saxda ah.

Iyaga oo yaaban, waxay ogaadeen in Boji uu soo maraa ugu yaraan 29 metro stations maalin kasta, wuxuuna gaari karaa masaafo dhan illaa 30km maalintii.

Magaalada Istanbul oo labadeeda goonyood ku kala taala xeebaha Yurub Aasiya,ayaa waxay leedahay nidaam gaadiidka doomaha oo aad u dhib badan, balse waa arrin u sahlan Boji in uu ku goosho.

Xitaa waxaa lagu arkay badda isagoo safar ku tagaya jasiiradaha Prince ee ku taala ee ku taala badda Marmara, taas oo duleedka ka ah xeebta Istanbul.

Caannimada sii kordheysa ee Boji waxaa ku lammaan Twitter magaciisa lagu sameeyay.

bogga @boji_ist waxaa ku xiran in ka badan 90,000 oo qof tan iyo markii ciwaankan la furey la Sebtembar.

“Wuxuu garanayaa meesha uu aadayo, wuu yaqaan meesha laga baxo,” ayay tiri Aylin Erol oo ah sarkaalad gaadiidka.

Boji ayaa la siiyay talaal si loo illaaliyo isaga iyo dadka kale ee ku xeeran.

Aalad kale oo birlab ah oo ku xiran app-ka mobaylka waxa uu u ogolaanayaa mas’uuliyiinta in ay la socdaan xaalkiisa caafimaad.

Shaqaalaha gaadiidku waxay hubiyaan inuu si fiican wax u cuno oo uu cabbo biyaha. Waxa kale oo si joogto ah baaris caafimaad ugu sameeya dhakhtarka xoolaha ee dawladda.

Qoraal iyo muuqaal lasoo dhigay ciwaanka magaca Boji lagu sameeyay ayaa muujinaya culeyskiisu yahay 42kg, isaga oo u eg in uu qiranayo in uu culeeskiisa kordhay.

Marka loo eego xogta raadaarka lagu xirey, habka gaadiidka ee uu jecel yahay Boji waa taraamka kab loo yaqaano, waa nooca gaadiid ee ku shaqeeya korontada ee basaska dhaadheer ah

Boji waa ereyga Turkiga ee “bogie”, waa qalab qaab dhismeedkiisa la geliyo taayirooyinka baabuurta si gaadhiga loo siiyo xasillooni dheeraad ah inta lagu jiro safarka.

Sida muuqata, waa sida uu magaciisa ku helay, shaqaalaha gaadiidku waxay bilaabeen inay ugu yeedhaan Boji, ka dib markii si joogto ah loogu arkay meel ka sarraysa qaybta bogie ee baabuurta.

Maadaama uu noqday weji la yaqaan, Boji hadda waxaa soo dhaweeya rakaab badan oo si tartiib ah u salaama, ama sawir selfie ah la gala.

Marka loo eego adeegyada caafimaadka xoolaha ee dawladda hoose ee Istanbul, magaaladu waxay hoy u tahay in ka badan 300,000 oo bisado iyo eeyo ah, laakiin dadka qaar ayaa aaminsan inay taasi tahay qiyaas hooseysa.

Xayawaankan ka duwan kuwa kale ayaa arrin hadalhayn leh ku noqday dadka deggan Istanbul.

Sagaashameeyadii, magaaladu waxay dirtay kooxo dabargoyn si ay wax uga qabtaan tirada sii kordhaysa ee bisadaha iyo eyda.

Laakiin walaac dadweyne ka dib, siyaasaddaas waa la joojiyey.

Hadda saraakiisha dawladda hoose waxay qabtaan xoolaha oo kaliya si ay u tallaalaan oo ay u daaweeyaan wixii dhibaato caafimaad ah.

Boji xaqiiqdii si fiican ayaa looga hadal hayaa Istanbul.

“Waxaad raacdaa tareenka, si lama filaan ah, waxaad arkeysaa Boji,” ayay tiri Aylin Erol.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022
Previous Post

Macalimad fasax ku qaadatay in ay gurigeeda karantiil ku tahay oo ardaydii muuqaallo ka soo duubeen iyada oo dalxiis u socota!

Next Post

Dowladda Uganda oo xir xirtay 48 Ruux

Next Post
Dowladda Uganda oo xir xirtay 48 Ruux

Dowladda Uganda oo xir xirtay 48 Ruux

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In