Dadka qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyey xayiraadda ay dowladda Kenya ku soo rogtay qaar ka mid ah shirkadaha Xawilaadda lacagaha ee dalkaasi ka howlgala.
Dowladda Kenya, ayaa shaacisay in ay xirtay 13, xawaaladood iyo 86 akoonnada shaqsiyaad aan la shaacin magacyadooda kaddib markii uu go’aan ka soo baxay guddiga wasiirrada ee la dagaallanka argagixisada dalkaasi, si looga jawaabo weerarkii argagixisadu ku qaadeen Jaamacadda Caarisa, waxaana arrintaasi ay si weyn u sameeysay Soomaalida ku nool dalkaasi, gaar ahaan dadka qaxootiga ah eku jira xeryaha Dha-dhaab.
Qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ee ku jira Xerada Xagar-dheer ee dalka Kenya, ayaa sheegay iyaga oo la hadlayey warbaahinta Qaran in xayiraadda la saaray Xawaaladaha in ay noloshooda aad u saameysay, isla markaana ay xanuun badan ku heyso arrintaas, waxa ay sheegeen in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay ugu baaqayaan in ay arrintaan wax ka qabtaan oo aysan dadka masaakiinta ah noloshooda dhibaato u geysan.
Dowladda Kenya tan iyo markii ay shaacisay in la xiray shirkadaha xawilaadda lacagta kama hadlin hadal heynta dadweynaha Soomaaliyeed ee arrintaasi cabashada ka muujiyey, hasa yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay arrintaasi dhallinkarto dhibaato xoog leh oo soo gaarta Soomaalida dalkaasi ku sugan ee ehelladooda biilasha ay u soo diraan ku nool.