Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer-ilaaliyaha Qaranka: “Dhulka dowladdu leedahay waa in la banneeyaa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay badbaadinta hantida Qaranka “Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha qaranka  ayaa sheegay in tallaabada ugu horreysay ee ay dowladdu qaadeyso in ay tahay sidii tirakoob saxan loogu sameyn lahaa Hantida Qaranka Soomaaliyeed.

Dr. Axmed Cali Daahir Xeer-ilaaliyaha Qaranka, ayaa sheegay in muhiim ay tahay tirakoob saxan oo lagu sameeyo Hantida Qaranka uu leeyahay, isla markaana  ay dowladdu ka soo saarto Siyaasad sharciyeesan, lana jideeyo Sharciga iyo guddiga Iibka Qaranka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale dadka deggan dhulka ay dowladdu leedahay ayuu tilmaamay in ay tahay in qorshe loo sameeyo oo laga saaro si dhulku uu ugu soo laabto hay’adihii lahaa oo shaqo qaran ku qaban doona.

“Tallaabada koowaad ee in la qaado ay tahay waa in dhulka(dowladdu leedahay) tirokoob lagu sameeyo” ayuu yiri xeer ilaaliyaha oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dhulka dowladdu leedahay la banneeyo ayadoo siyaasad lagu wajaho ay lagama maarmaan tahay.

Dhulka ay shacabku deggan yihiin ee ay dowladdu leedahay ama ay barakacayaashu ku nool yihiin ayaa u baahan sidoo kale in laga saaro ayadoo dadka loo raadinayo meelo ay ku noolaadaan.

“Haddii ay noqoto in la iibiyo dhulka oo shacabka lagu wareejiyo waxay u baahan tahay in la howl galiyo oo ay shaqadaas qabtaan guddiga iibka qaran” ayuu sii raaciyay Dr. Axmed Cali Daahir.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Gen. Gaafoow: “Midowga Yurub ayaa naga caawinaya dib u dhiska Immigration-ka”

Next Post
Gen. Gaafoow: “Midowga Yurub ayaa naga caawinaya dib u dhiska Immigration-ka”

Gen. Gaafoow: "Midowga Yurub ayaa naga caawinaya dib u dhiska Immigration-ka"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In