Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer-ilaaliyaha Qaranka: “Dhulka dowladdu leedahay waa in la banneeyaa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 25, 2015
in Wararka
0
Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay badbaadinta hantida Qaranka “Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha qaranka  ayaa sheegay in tallaabada ugu horreysay ee ay dowladdu qaadeyso in ay tahay sidii tirakoob saxan loogu sameyn lahaa Hantida Qaranka Soomaaliyeed.

Dr. Axmed Cali Daahir Xeer-ilaaliyaha Qaranka, ayaa sheegay in muhiim ay tahay tirakoob saxan oo lagu sameeyo Hantida Qaranka uu leeyahay, isla markaana  ay dowladdu ka soo saarto Siyaasad sharciyeesan, lana jideeyo Sharciga iyo guddiga Iibka Qaranka.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Sidoo kale dadka deggan dhulka ay dowladdu leedahay ayuu tilmaamay in ay tahay in qorshe loo sameeyo oo laga saaro si dhulku uu ugu soo laabto hay’adihii lahaa oo shaqo qaran ku qaban doona.

“Tallaabada koowaad ee in la qaado ay tahay waa in dhulka(dowladdu leedahay) tirokoob lagu sameeyo” ayuu yiri xeer ilaaliyaha oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dhulka dowladdu leedahay la banneeyo ayadoo siyaasad lagu wajaho ay lagama maarmaan tahay.

Dhulka ay shacabku deggan yihiin ee ay dowladdu leedahay ama ay barakacayaashu ku nool yihiin ayaa u baahan sidoo kale in laga saaro ayadoo dadka loo raadinayo meelo ay ku noolaadaan.

“Haddii ay noqoto in la iibiyo dhulka oo shacabka lagu wareejiyo waxay u baahan tahay in la howl galiyo oo ay shaqadaas qabtaan guddiga iibka qaran” ayuu sii raaciyay Dr. Axmed Cali Daahir.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Gen. Gaafoow: “Midowga Yurub ayaa naga caawinaya dib u dhiska Immigration-ka”

Next Post
Gen. Gaafoow: “Midowga Yurub ayaa naga caawinaya dib u dhiska Immigration-ka”

Gen. Gaafoow: "Midowga Yurub ayaa naga caawinaya dib u dhiska Immigration-ka"

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In