Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Taliyaha Asluubta oo Booqday Xabsi cusub oo Muqdisho laga dhisayo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 26, 2016
in Wararka
0
Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Taliyaha Asluubta oo Booqday Xabsi cusub oo Muqdisho laga dhisayo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxmed Jaamac oo uu wehliyo ku xigeenkiisa koowaad S/guuto Cabdi Kariin Cali Afrax ayaa maanta waxa ay kormeereen halka uu marayo dhismaha xabsi weyn oo laga dhisayo xarunta taliska guud ee Ciidanka Asluubta KM7 ee magaalada Muqdisho iyagoo indha indheeyey masuuliyiintan qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay xabsigaasi .

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir waxa uu uga warbixiyey halka uu marayo Dhismaha xabsigan iyo howlaha uu qaban doonno waxaana uu sheegay taliyaha in bilaha soo socda lasooo gaba gabeyn doonno dhismahiisa .

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Taliyaha ayaa sheegay in xabsigan gabagabada marayo dhismahiisa hadii la dhameeyo uu wax badan ka badali doonno Ciriiriga ka jira Xabsiga dhexe isagoo xusay in Qorshahooda uu yahay Xabsiyada Dalka oo dhan in laga dhigo goob dhaqan celineed oo wax lagu baro Dadka lagu soo xiro.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa taliyaha Ciidanka Asluubta Gen Bashiir Goobe ku amaanay isbadalka la taaban karo ee uu ka sameeyey Xabsiyada Dalka isagoo xusay in Xabsigan dhismihiisa gunaanadka marayo uu qeyb ka yahay horumarada ay sameeyeen Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed .

Xabsigan oo si caalami ah loo dhisayo ayaa dhismihiisa waxaa iska kaashanaya Taliska Ciidanka Asluubta iyo Hay’ad UN ka leeyahay waxaana uu yeelan doonnaa qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin goobo loogu talo galay Jiifka ,waxbarashada ,garoonno loogu tala galay ciyaaraha kala duwan iyo qeybo ay dagaan garsoorka waana xabsi ay u dhameystiran yihiin waxkastaa oo nolosha aadmiga ay u baahan tahay.

—–Dhammaad——
C/raxmaan Maxamed Gacan

Madaxa Xafiiska Warfaafinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

dddd

14112082_755823971187965_505115501_n

14112020_755823764521319_962560271_n

14111954_755823884521307_1035451551_n

14111715_755823927854636_89362911_n

14101949_755823977854631_166120781_n

 

Previous Post

Ciidanka Amaanka oo Noolasha ku qabtay mid kamid ah Maleeshiyadii weerartay Maqaayadda

Next Post

Daawo Sawiro +Faahfaahin weerarkii Xalay ee Xeebta Liido

Next Post
Daawo Sawiro +Faahfaahin weerarkii Xalay ee Xeebta Liido

Daawo Sawiro +Faahfaahin weerarkii Xalay ee Xeebta Liido

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In