Xeer ilaaliya ku xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dalka gaashaanle Muumin Xuseen Cabdulaahi oo maalmahan shaqo u joogay magaalada Gaalkacyo ayaa kormeeray saldhiga ciidanka booliiska dagmada Gaalkacyo ee Galmudug, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen taliyaha saldhiga boliiska faderaalka Soomaaliya ย kabtan Cali Xirsi Sahal iyo taliyaha qeybta booliiska faderaalka ee gobalka Mudug Gaashaanle Dhaxe Qaasim Shirdoonย Cali.
Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa warbixin ku aadan shaqada ciidanka ay u hayaan qaranka ka dhageystay saraakiisha booliiska ee saldhiga, isagoo kula dardaaramay in howshooda u gutaan si hagar laโaan ah.
Taliyaha saldhiga degmada Gaalkacyo iyo taliyaha qeybta booliiska ee gobolka ayaa u mahad celiyay xeer ilaaliye ku xigeenka iyo saraakiishii la socotay kormeerka ay ugu yimaadeen maanta.


















