Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeerka Saxaafadda: Yaa ah Wariye?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 12, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Xeerka Saxaafadda: Yaa ah Wariye?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

FALAQEYN:

Qodobka 35aad farqaddiisa 1aad ee Xeerka Saxaafadda(2016) ayaa u qoran “Saxafi waxaa noqon kara qof kasta oo leh aqoon jaamacad saxaafadeed, kana gudbay imtixaanka saxafiga laguna qoray diiwaanka saxaafadda sida ku cad qodobka 18aad ee xeerkaan”.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Ururrada saxaafadda, wariyeyaasha, qaar ka mid ah hay’adaha taageera warbaahinta iyo dad kale ayaa soo jeedinaya dood ah in Saxaafadda aanan lagu xerin shahaaddo saxaafadeed, qaar kale ayaa aaminsan in aan takhasuska saxaafadeed aan lagu xujeynin wariyeyaasha ee kaliya shahaaddo jaamacadeed lagu xiro.

Shirka Qaran ee Istiraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee lagu qabtay Hotelka Jazeera 11-12 bishan, ayaa lagu soo hadal qaadday dooddan. Saxafiyiinta shirkaan ka qeyb gashay ayaa qodobkan ka soo horjeestay. Dadka ka hadlay oo Xeel-dheerayaal Soomaaliyeed iyo Ajnabiba isugu jiray ayaa soo bandhigay aragtiyo ku saabsan qodobkaan.

Yuusuf Garaad Cumar oo ah la taliye saxaafadeed oo madax bannaan, isla markaana tifaftire ka soo noqday Qeybta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa aaminsan in aqoonta heerka jaamacadeed ay muhiim u tahay wariyaha haseyeeshee aysan khasab ahayn in lagu xiro inuu kulliyad saxaafadeed ka soo baxo.

Yuusuf Garaad, waxaa uu dooddiisa ku saleynayaa in adduunka wariyeyaashu ay leeyihiin xirfado ka duwan saxaafadda, sidoo kale ay barteen cilmi aan ahayn saxaafad sida cilmiga bulshada (Social Science), Haddana ay ku shaqeeyaan mihnaddan marka ay qaataan tababar ku filan.

Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga, oo ka mid ah warbaahinta Soomaaliga ku hadasha kuwa ugu horreeya waxaa ka shaqeyay laba wariye oo ka soo baxay kulliyadda Saxaafadda intii uu maamulayay Yuusuf Garaad, kuwaas oo kala ahaa Maxamed Caddow iyo Yuusuf Xasan Isaaq sida uu sheegay Yuusuf Garaad. Arrintaas ayaa muujinaysa in caalamka aysan waajib ahayn in wariyuhu uu jaamacad uga soo baxo saxaafad, hase yeeshee tababar saxaafadeed iyo aqoon sare oo kale ay lagama maarmaan tahay.

Saxaafaddu waa shaqo wadareed leh tifaftire iyo dad kale oo hubinta ama tayaynta ku shaqo leh, kuwaas oo baahinta xogta iyo wariyaha diyaariyay warka ama barnaamijka u dhaxeeya, taasi waxaa ay adkeyneysaa in wax saxan bulshada loo gudbiyo.

Dhinaca kale, Yuusuf Xasan Isaaq oo ah la soo shaqeeyay BBC isaga oo wariye ah iyo isaga oo tababare saxaafadeed ah, ayaa qaba aragti ka duwan, Waxaa uu soo jeedinayaa in saxaafadda Soomaaliya ay ku sugan tahay xaalad aqoonta iyo awooddeeda xirfadeedba ay hooseyso, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in qodobkaan sidiisa loo qaato, inkasta oo uu sheegay in mustaqbalka wax laga beddeli karo marka sare loo qaado heerka aqooneed ee wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Waxaa uu tilmaamay in mihnad kasta qofka ka shaqeynaya looga baahan yahay takhasuskeeda si uusan dhibaato ugu keenin bulshada marka uu shaqo galo.

Rashweat Mukundu, oo ah cilmi-baare la shaqeeya International Media Support IMS, ayaa aamminsan in shuruudda wariyaha lagu xirayo ee ah inuu shahaaddo jaamacadeed oo saxaafadda ah wato ay tahay mid looga gol leeyahay in lagu horumariyo saxaafadda, laakin marka laga hadlayo ku shaqeynta mihnadda ay ka duwan tahay arrintu.

Waxaa uu ku dooday in saxaafaddu ay xiriir la leedahay xuquuqda aasaasiga ah ee dadka sida xorriyadda hadalka. Sidaa darteedna aan qofka lagu xiri karin shuruudo ka joojinaya ama u diidaya xuquuqda aasaasiga ah ee uu leeyahay.

Xildhibaan Cabdi Xaashi, oo ka tirsan Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in sharcigan lagu sameyn karo wax ka beddel. Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta waxaa ay sheegtay in Xeer-hoosaad loo sameyn doono xeerkan la ansixiyay, kaas oo fasiri doona ama fududeyn doona qodobbada qaar ee ku jira sharcigaan.

 Gabagabo

 Saxaafadda Soomaaliya oo soo martay daruufo adag, waxaa ay hadda maraysaa marxalad tiradeedu ay badan tahay laakiin ay tayadeedu ay yartahay. Waxaa u sii dheer gefefka ka dhaca saxaafadda oo badan iyo aqoonta oo hooseysa maadaama qof kasta uu noqon karo wariye.

Xeerkan saxaafadda waxaa uu meesha ka saarayaa in saxaafad aan xeer lahayn dalka ka shaqeyso taas oo ah wax la isku wada raacsan yahay. Qodobka 35aad ee xeerkan, inkasta oo uu xoojinayo in la helo saxaafad horumarsan oo dadka ka shaqeynaya ay xirfad ahaan iyo cilmi ahaanba dhisan yihiin, haddana waxaa uu dhinaca kale meesha ka saarayaa wariyeyaal badan oo xirfad ahaan iyo khibrad ahaanba ku wanaagsan saxaafadda, muddo dheerna soo shaqeynayay.

Sidaa darteed, waxaa habboon in dib loogu laabto qodobkaas oo ugu yaraan laga dhigo in qofka wariyaha ah laga doonayo shahaaddo jaamacadeed oo noqon karta kulliyad kasta iyo tababar saxaafadeed.

W/Q: Yuusuf Sh Ciise
[email protected]

Previous Post

“DAAWO SAWIRRADA” Shirka Istiraatiijiyadda Warbaahinta Soomaaliya oo la soo gabo gabeeyay

Next Post

Madaxweynaha Dalka Oo Si Rasmi Ah U Furay Shirka Maamul U Sameynta Shabeelaha Dhexe Iyo Hiiraan “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Dalka Oo Si Rasmi Ah U Furay Shirka Maamul U Sameynta Shabeelaha Dhexe Iyo Hiiraan “Sawirro”

Madaxweynaha Dalka Oo Si Rasmi Ah U Furay Shirka Maamul U Sameynta Shabeelaha Dhexe Iyo Hiiraan "Sawirro"

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In