Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xiisaddii u dhaxaysay Iran iyo Maraykanka oo Cirka isku shareertay

admin by admin
January 3, 2020
in Wararka
0
Xiisaddii u dhaxaysay Iran iyo Maraykanka oo Cirka isku shareertay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Wasiirka arrimaha dibedda ee Dalka Iran, Mohammad Javad Zarif, ayaa si weyn u dhaleeceeyay dilka Madaxii Ciiadamada xulka ah ee Qudus Force, Janaraal; Qasem Soleiman, ku xigeenkiisa, Abu Mahdi al-Muhandis iyo Saraakiil la socotay, isagoo ku tilmaantay fal Argagixisanimo.

Dilka Sarkaalkan ayaa sare usii qaaday  xiisaddii siyaasadeed ee u dhaxaysay Dowladaha Maraykanka iyo Iran , waxayna xukuumadda Tehraan wacad ku martay in ay jawaab ka bixin doonto dilka Janaraal; Qasem Soleiman.

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Dal Iran, Ayatullah Ali Khamanei, ayaa sheegay in dambiilayaasha oo uu ula jeedo Maraykanka ay sugeyso aargudasho ba’an.

Saraakiil ka tirsan Pentagon-ka ayaa waxay sheegeen in dilkani uu amray Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump, iyagoo intaa ku daray in uu beegsigoodu ahaa mr; Soleiman iyo xubnaha la shaqeeya.

Dhinaca kale, Dowladda Isra’il ayaa heegan buuxa gelisay Ciidamadeeda kala duwan, iaydoo ka cabsi qabta in ay weerarro kaga yimaaddaan xagga Iran iyo kooxaha Hubeysan ee Gacan saarka la leh Dowladda Tehraan.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Baqdaad ayaa ugu baaqday in muwaadiniinta Mareykanka ay si deg-deg ah uga baxaan dalka Ciraaq.

Bariga dhexe ayaa guud ahaan laga dareemayaa feejignaa dheeri ah, iyadoo uu sicirka Shidaalkuna sare u kacay xiisadda jirta awgeed.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Qatar “Dhaawacyada intooda badan xaaladooda caafimaad wey soo hagaageysaa” Dhageyso

Next Post

Ciidanka Kenya oo dilay xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Next Post
Ciidanka Kenya oo dilay xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Ciidanka Kenya oo dilay xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In