Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Qatar “Dhaawacyada intooda badan xaaladooda caafimaad wey soo hagaageysaa” Dhageyso

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Safiirka Soomaaliya ee Qatar “Dhaawacyada intooda badan xaaladooda caafimaad wey soo hagaageysaa” Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano ayaa sheegay in dhaawacyada la geeyay dalka Qatar ay xaaladooda caafimaad soo hagaageyso, aya heleen daryeel caafimaad oo dhameystiran.

Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano oo u waramay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in dhaawacyada oo ahaa 23 qof la geeyay isbitaalka dhexe ee dalka Qatar, isagoo intaa ku daray in saddex ka mid ah laga soo saaray isbitaalka, kuwaasi oo lagu baxnaaninayo goobo kale.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Sida aad la socoto waxaa Doxa la keenay 23 dhaawac ah iyo 23 qof oo caawineysa, 23-ka qof ee caawineysa waxaan dejinay Hotel, dhaawacyada 23-ka ah isbitaal dhexe ayaa la wada dhigay, 3 qof ayaa isbitaalka laga soo saaray, mid ka mid ah qaliin ayuu sugayaa oo hadda daawooyin ayaa u socoto, haatan waxaa isbitaalka ku jirta 20 qof oo 7 ka mid ah ay ku jiraan qeybta gargaarka deg dega ah oo aan rajeynayo inay soo bogson doonaan maalmaha soo socda Insha Allah”.ayuu yiri Danjire Cabdirisaaq.

Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhaawacyada la geeyay isbitaalka ugu weyn uguna caansan Hamad Hospital ee ku yaala magaalada Doxa ee caasimadda Dalka Qatar,, isla markaana 48 saac ee soo socda ay si rasmi ah u shaacin doonaan guud ahaan xaaladda dhaawacyada la geeyay dalka Qatar.

Danjire Cabdirisaaq Faarax Taano ayaa xusay inay ka go’antahay garab istaagga dhaawacyada lagu dabiibayo dalka Qatar, isagoo intaa ku daray in Jaaliyadda ay dhankooda gacan ka geysan doonaan ka warqabka walaalahood lagu baxnaaninayo magaalada Doxa.

Dhageyso Wareysiga Safiirka Soomaaliya ee Qatar

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2020/01/SAFIIRKA-SOMALIA-U-FADHIYA-WADDANKA-QADAR-C.RISAAQ-FAARAX-CALI-TAANO-.mp3

 

 

Previous Post

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Argagixisada waan ka aarsaneynaa ee dhamaanteena aan ciidan noqono”

Next Post

Xiisaddii u dhaxaysay Iran iyo Maraykanka oo Cirka isku shareertay

Next Post
Xiisaddii u dhaxaysay Iran iyo Maraykanka oo Cirka isku shareertay

Xiisaddii u dhaxaysay Iran iyo Maraykanka oo Cirka isku shareertay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In