Sunday, September 24, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Argagixisada waan ka aarsaneynaa ee dhamaanteena aan ciidan noqono”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 2, 2020
in Wararka
0
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Argagixisada waan ka aarsaneynaa ee dhamaanteena aan ciidan noqono”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay isgarab taagaan ciidamada amniga, ayna hal meel uga soo wada jeestaan sidii guud ahaan dalka looga cirib tiri lahaa Al-Shabaab.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka hadlay isu soo bax ka dhan ah Al-Shabaab

Xildhibaanka oo ka hadlayay isu soo bax lagu qabtay magaalada Muqdisho ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ayaa ugu horeyn ugu baaqay dhallinta ay marin habaabiyeen Al-Shabaab inay isu soo dhiibaan gacanta dowladda, isagoo intaa ku daray in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Khawaarijta oo jab xooggan loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

September 24, 2023

“Waxaan ugu baaqayaa dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixisada Al-Shabaab inay isu soo dhiibaan gacanta ciidamada dowladda, waxaa hubaal ah inaan gacmaha is qabsano oo aan iska dhicino cadowga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, uuna diyaar u yahay in meelkasta oo ay Shabaab joogaan loogu tegi doono.

“Guddoomiye Cumurow waxaan rabnaa inaad nagu hogaamiso inaan Shabaab guryaha ugu daba tegno, waxaan rabnaa inaan gedigeena noqono askar, meel Alle iyo meelkasta ay Al-Shabaab galaan waan uga daba tegeynaa, Argagixisada waan ka aarsaneynaa dhibaatada ay u geysteen ardaydeena ee dhamaanteena aan ciidan noqono” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow.

 

Previous Post

Isu soo bax ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Qatar “Dhaawacyada intooda badan xaaladooda caafimaad wey soo hagaageysaa” Dhageyso

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Qatar “Dhaawacyada intooda badan xaaladooda caafimaad wey soo hagaageysaa” Dhageyso

Safiirka Soomaaliya ee Qatar “Dhaawacyada intooda badan xaaladooda caafimaad wey soo hagaageysaa” Dhageyso

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah, kuwaa oo kala ah:- 1. Xeerka...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Khawaarijta oo jab xooggan loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

September 24, 2023
0

Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga Caad ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga,...

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

September 24, 2023
0

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa soo xiray shir uu soo agaasimay Gobolka Banaadir...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka

September 24, 2023
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden, ayaa Khudbad ka jeediyey Shir duceedka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In