Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Cabdiqaadir Kheyraat oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaartu saameysay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Cabdiqaadir Kheyraat oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaartu saameysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abdikadir

Xildhibaan Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan (Kheyraat) oo ka mid ah Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadkii ay saameynta ku yeelatay abaarta ka jirta qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan deegaannada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Xildhibaan Cabdiqaadir Kheyraat oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in abaaro baahsan ay ka jiraan qeybo ka mid ah dalka, waxaana uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax heysta ay isu gurmadaan, isla markaana ay caawiyaan walaalahood ay abaartu saameysay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan ayaa tilmaamay in Xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle  ay sameyn doonaan kulan looga hadlayo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku habsatay abaarta.

“Waxaan ugu baaqayaa dowlad goboleedka Hirshabeelle oo aan ka mid ahay, dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka inay gurmad gaarsiiyaan dadka abaartu saameysay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaan Kheyraat ayaa horey kulamo looga hadlayo sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay abaartu saameysay la qaatay qeybaha bulshada ee Jowhar ku nool.

Previous Post

Wasiirka amniga “Toban ayaa ku dhimatay 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkii Hotel Dayax”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Tacsi U Diray Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxii Hotel Dayax

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Tacsi U Diray Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxii Hotel Dayax

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In