Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Cabdiqaadir Kheyraat oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaartu saameysay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 25, 2017
in Wararka
0
Xildhibaan Cabdiqaadir Kheyraat oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaartu saameysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abdikadir

Xildhibaan Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan (Kheyraat) oo ka mid ah Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadkii ay saameynta ku yeelatay abaarta ka jirta qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan deegaannada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025

Xildhibaan Cabdiqaadir Kheyraat oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in abaaro baahsan ay ka jiraan qeybo ka mid ah dalka, waxaana uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax heysta ay isu gurmadaan, isla markaana ay caawiyaan walaalahood ay abaartu saameysay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan ayaa tilmaamay in Xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle  ay sameyn doonaan kulan looga hadlayo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku habsatay abaarta.

“Waxaan ugu baaqayaa dowlad goboleedka Hirshabeelle oo aan ka mid ahay, dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka inay gurmad gaarsiiyaan dadka abaartu saameysay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaan Kheyraat ayaa horey kulamo looga hadlayo sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay abaartu saameysay la qaatay qeybaha bulshada ee Jowhar ku nool.

 

Previous Post

Wasiirka amniga “Toban ayaa ku dhimatay 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkii Hotel Dayax”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Tacsi U Diray Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxii Hotel Dayax

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Tacsi U Diray Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxii Hotel Dayax

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), nudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen...

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025
0

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

July 17, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In