Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay waxqabadka boqolka maalmood ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxa uuna sheegay in dowladda ay ku talaabsatay horumaro badan mudada boqolka maalmood ah oo ay jirto ay ka mid yihiin ladalaaganka musuq maasuqa , sara u kaca dhaqalaha dalka xirirka wadamada caalamka , isku duubnida maamul gobaleed yada iyo dowlada dhaxe iyo weliba sugitaanka amniga.
Dhinaca kale xildhibaanka oo hadal kiisa sii wata ayaa waxaa uu bogaadiyay socdaalada Madaxweyne farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Qeyre ay ku tageen Gobalada Dalka , iyo sida uu Ra’isul wasaraha u kormeero hey’adaha dowlada iyo sida ay ugu go’an tahay la dagaalanka musuq maasuqa.