Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Dhuxulow oo Caruurta Caseeyashaa hotelada ugu sameeyey Sandaqado ay ku shaqeystaan(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Dhuxulow oo Caruurta Caseeyashaa hotelada ugu sameeyey Sandaqado ay ku shaqeystaan(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wax u qabashada bulshada kuwooda liita, so bandhiggidda dhibaatooyinka u baahan in wax laga qabyo iyo dhiiragelinta dadka kuwooda wax qabsan kara waa masuuliyad weyn oo u baahan in loo astaago kuna waajibta qof walba oo Soomaali ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Xildhibaan Musafa Sheekh Cali Dhuxulow, waa mudane ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, waayadan dambe waxa uu si xoog badan ugu howlanaa arrimaha bini’aadannimada iyo dhiiragelinta dadka Soomaaliyeed ee wax qabsan kara, maanta hoteellada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu ka hirgaliyey Sandaqado ay ku shaqeystaan caruurta waddooyinka magaalada Muqdisho ku Baalasha ama Caseeya Kabaha.

Sandaqada ayaa loo sameeyey nooc aad u qurux badan oo waxa ay ka kooban tahay, Laba Qaanad laba Kursi iyo halka ay lugaha  saaran lahaayeen dadka Kabaha loo Baalashayo, iyadoo halkii Sandaqadna ay ku shaqeysan karaan laba ka mid ah carruurta shaqooyinkaasi qabta.

Dadweynaha isugu yimada Hoteellada Muqdisho oo ay ku jiraan, siyaasiinta ayaa arrintan aad ula yaabay isla markaana soo dhoweeyey, waxeyna uga mahadceliyeen Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo had iyo jeer aad u dhiirageliya dhallinyarada Soomaaliyeed.

“waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta Sandaqado ay ku shaqeytaan si ay noloshooda u dabaraan inaan siiyo tira badan oo carruur Soomaaliyeed ah gaar ahaan kuwa Kabaha magaalada ku Baalashta , waxaa ii suuragashay in milkiilayaasha hotellada Muqdisho ay iga ogollaadeen in howshaan aan ka hirgeliyo markii aan u bandhigay fikirka aan waday, waana uga mahadcelinayaa, taas ayaana qeyb ka ah in dadka Soomaaliyeed ay istaageeraan, aniga wax weyn ma qaban laakin dhiiragelin ayaan u sameeyey caruurta Caseeyeyaasha magaalada ka ahaa qaarkood, dadka Soomaaliyeed oo dhanna waxaa looga baahan in ay is caawiyaan” ayuu yiri Xildhibaan Mustafa Dhuxulow”.

Xildhibaan ayaa sidoo kale sheegay in Fishti ay ku shaqeysan doonaan caruurtaan oo labada subaxdii shaqeysa ay galabtii aadi doonaan Waxbarasho uu ugu talagalay, halka labada gelinka  dambe shaqeysana ay subaxdii aadi doonaan waxbarasho loogu talagalay, si mustaqbalkooda si wanaagsan loogu soo hagaajiyo.

Qaar ka mid ah Caruurta looga faa’ideeyey Sandaqaha ay ku shaqeysanayaan ayaa sheegay in arrintan ay lama-filaan ku noqotay aadna ay ugu faraxsan yihiin, maadaama ay heleen shaqo ay ku tashan karaan,  sidoo kalena loo sheegay in ay wax baran doonaan, waxa ay ku tilmaameen Xildhibaanka in uu buuxiyey booskii waalidkooda, mahad-weynna ay u hayaan.

Xildhibaan Mustafa ayaa dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee May, waxa uu ku caawiyey caruur Soomaaliyeed in Indhaha loo fiiqo, kuwaas oo aysan awoodin waalidiintooda in Isbitaalka ay geeyaan ilamahaasi, waxaana   uuna ku howlan  yahay ka  shaqeynta arrimaha bini’aadannimo oo ah kuwa ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in masuuliyiinta  iyo shacabka Soomaaliyeed kuwooda  wax heysta in ay ka shaqeeyaan.

11 12 13 14 15 16

 

Previous Post

Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Next Post

Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro

Next Post
Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro

Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In