Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Dhuxulow oo Caruurta Caseeyashaa hotelada ugu sameeyey Sandaqado ay ku shaqeystaan(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Dhuxulow oo Caruurta Caseeyashaa hotelada ugu sameeyey Sandaqado ay ku shaqeystaan(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wax u qabashada bulshada kuwooda liita, so bandhiggidda dhibaatooyinka u baahan in wax laga qabyo iyo dhiiragelinta dadka kuwooda wax qabsan kara waa masuuliyad weyn oo u baahan in loo astaago kuna waajibta qof walba oo Soomaali ah.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Xildhibaan Musafa Sheekh Cali Dhuxulow, waa mudane ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, waayadan dambe waxa uu si xoog badan ugu howlanaa arrimaha bini’aadannimada iyo dhiiragelinta dadka Soomaaliyeed ee wax qabsan kara, maanta hoteellada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu ka hirgaliyey Sandaqado ay ku shaqeystaan caruurta waddooyinka magaalada Muqdisho ku Baalasha ama Caseeya Kabaha.

Sandaqada ayaa loo sameeyey nooc aad u qurux badan oo waxa ay ka kooban tahay, Laba Qaanad laba Kursi iyo halka ay lugaha  saaran lahaayeen dadka Kabaha loo Baalashayo, iyadoo halkii Sandaqadna ay ku shaqeysan karaan laba ka mid ah carruurta shaqooyinkaasi qabta.

Dadweynaha isugu yimada Hoteellada Muqdisho oo ay ku jiraan, siyaasiinta ayaa arrintan aad ula yaabay isla markaana soo dhoweeyey, waxeyna uga mahadceliyeen Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo had iyo jeer aad u dhiirageliya dhallinyarada Soomaaliyeed.

“waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta Sandaqado ay ku shaqeytaan si ay noloshooda u dabaraan inaan siiyo tira badan oo carruur Soomaaliyeed ah gaar ahaan kuwa Kabaha magaalada ku Baalashta , waxaa ii suuragashay in milkiilayaasha hotellada Muqdisho ay iga ogollaadeen in howshaan aan ka hirgeliyo markii aan u bandhigay fikirka aan waday, waana uga mahadcelinayaa, taas ayaana qeyb ka ah in dadka Soomaaliyeed ay istaageeraan, aniga wax weyn ma qaban laakin dhiiragelin ayaan u sameeyey caruurta Caseeyeyaasha magaalada ka ahaa qaarkood, dadka Soomaaliyeed oo dhanna waxaa looga baahan in ay is caawiyaan” ayuu yiri Xildhibaan Mustafa Dhuxulow”.

Xildhibaan ayaa sidoo kale sheegay in Fishti ay ku shaqeysan doonaan caruurtaan oo labada subaxdii shaqeysa ay galabtii aadi doonaan Waxbarasho uu ugu talagalay, halka labada gelinka  dambe shaqeysana ay subaxdii aadi doonaan waxbarasho loogu talagalay, si mustaqbalkooda si wanaagsan loogu soo hagaajiyo.

Qaar ka mid ah Caruurta looga faa’ideeyey Sandaqaha ay ku shaqeysanayaan ayaa sheegay in arrintan ay lama-filaan ku noqotay aadna ay ugu faraxsan yihiin, maadaama ay heleen shaqo ay ku tashan karaan,  sidoo kalena loo sheegay in ay wax baran doonaan, waxa ay ku tilmaameen Xildhibaanka in uu buuxiyey booskii waalidkooda, mahad-weynna ay u hayaan.

Xildhibaan Mustafa ayaa dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee May, waxa uu ku caawiyey caruur Soomaaliyeed in Indhaha loo fiiqo, kuwaas oo aysan awoodin waalidiintooda in Isbitaalka ay geeyaan ilamahaasi, waxaana   uuna ku howlan  yahay ka  shaqeynta arrimaha bini’aadannimo oo ah kuwa ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in masuuliyiinta  iyo shacabka Soomaaliyeed kuwooda  wax heysta in ay ka shaqeeyaan.

11 12 13 14 15 16

 

Previous Post

Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Next Post

Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro

Next Post
Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro

Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In