Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Faahfaahiyay Qasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka owdiinle SAWIRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Faahfaahiyay Qasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka owdiinle SAWIRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanka Ow-diinle oo hoos yimaada degmada Baydhaba ee gobalka Baay oo ay wehliyaan Wasiirka Hubkadhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka ee Koofur-galbeed Xasan Xuseen, Iyo Malaaq Malaboow oo ah Ugaaska Deegaanka, ayaa maanta booqasho ku tagay deegaankaasi oo shalay dagaal Sodon daqiiqo socday uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Maleeshiyaadka kooxda alshabaab.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow Ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in ay dhinteen 14 Qof oo isugu jira Odayaal Dhaqameed iyo dad shacab ah, kuwaas oo maanta lagu aasay isla deegaanka. Mudane Ibraahim Yaroow ayaa sheegay dhacadadaan ay timid kadib markii dagaal uu dhexmaray ciidamada dowladda, AMISOM iyo maleeshiyaad katirsan Kooxda Al-shabaab oo dadka shacabka dhexdooda rasaas ka billaabay, taasina ay dhalisay in dadka rayadka ah ee deegaanka ku sugnaa uu qasaare xooggan ka soo gaaray iska horimaadka.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

“in aan dadka deegaanka iyo AMISOM soo xog wareysano ayaan saakay u baxnay, Meesha Waxaa ka dhacay xaafad ay kulan Duco ah ku lahaayeen dadka deegaanka ayaa Ciidamada looga soo sheegay in ay joogaan koox ka tirsan Al-shabaab, markii ay ciidamada tageen ayay kasoo waayeen waxii loo sheegay, dadka ayaa ka baqay in ay sheegaan maleeshiyaadka ku dhex dhuumanayay deegaanka, mid kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab ayaa billaabay Xabad, wuxuuna dilay mid kamid ah ciidamadii AMISOM ee goobta ku sugnaa, halkaas ayaa dagaal ka billaawday waxa ay sababtay dhimashada 14 ruux oo ay kamid yihiin Odayaal dhaqameed ku sugnaa goobta” ayuu yiri Ibraahin Yarow.

Xildhibaan Ibraahim Yaroow ayaa intaa ku daray in ay la kulmeen Saraakiisha AMISOM, ay arrintaan wax uga weydiiyaan ayna caddeeyaan sidii ay wax u dheceen.

“Ciidamada Amisom Waxay qirteen in ay meesha tageen waxay nagu dheheen warbixin ayaan helnay, markaan meesha tagnay ayay naga dhuunteen, waan nalaga qariyay, markaan soo laabanay ayay xabad nagu billaabeen qasaare ayaa nasoo gaaray, waxaan maqalnay in dad rayad ah oo aan aheyn kuwii nala dagaalamayay ay goobta ku dhinteen, waa la baarayaa wixii aan kala hadlanayna waxa ay noo caddeeyeen in ay diyaar u yihiin”Ayuu Yiri Mudane Yaroow.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in arrintaan Guddi xaqiiqo raadin ah loo saaray, lana caddeyn doono waxyeellada dadka shacabka ee aan waxba-galabsan ka soo gaartay dagaalkaasi.

4IMG_2770IMG_2769IMG_2768IMG_27641098765

Sawir Qaade: Siraaji Sh Isxaaq.

Previous Post

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho kadib ka qeybgalkiisa  Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika

Next Post

Xukuumadda Oo Baarlamaanka Ka Dalbatay Ansixinta in lagu daro Hindise-sharciyeedka Is-gaarsiinta

Next Post
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”

Xukuumadda Oo Baarlamaanka Ka Dalbatay Ansixinta in lagu daro Hindise-sharciyeedka Is-gaarsiinta

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In