Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Faahfaahiyay Qasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka owdiinle SAWIRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 18, 2016
in Wararka
0
Xildhibaan Faahfaahiyay Qasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka owdiinle SAWIRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanka Ow-diinle oo hoos yimaada degmada Baydhaba ee gobalka Baay oo ay wehliyaan Wasiirka Hubkadhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka ee Koofur-galbeed Xasan Xuseen, Iyo Malaaq Malaboow oo ah Ugaaska Deegaanka, ayaa maanta booqasho ku tagay deegaankaasi oo shalay dagaal Sodon daqiiqo socday uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Maleeshiyaadka kooxda alshabaab.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow Ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in ay dhinteen 14 Qof oo isugu jira Odayaal Dhaqameed iyo dad shacab ah, kuwaas oo maanta lagu aasay isla deegaanka. Mudane Ibraahim Yaroow ayaa sheegay dhacadadaan ay timid kadib markii dagaal uu dhexmaray ciidamada dowladda, AMISOM iyo maleeshiyaad katirsan Kooxda Al-shabaab oo dadka shacabka dhexdooda rasaas ka billaabay, taasina ay dhalisay in dadka rayadka ah ee deegaanka ku sugnaa uu qasaare xooggan ka soo gaaray iska horimaadka.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

“in aan dadka deegaanka iyo AMISOM soo xog wareysano ayaan saakay u baxnay, Meesha Waxaa ka dhacay xaafad ay kulan Duco ah ku lahaayeen dadka deegaanka ayaa Ciidamada looga soo sheegay in ay joogaan koox ka tirsan Al-shabaab, markii ay ciidamada tageen ayay kasoo waayeen waxii loo sheegay, dadka ayaa ka baqay in ay sheegaan maleeshiyaadka ku dhex dhuumanayay deegaanka, mid kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab ayaa billaabay Xabad, wuxuuna dilay mid kamid ah ciidamadii AMISOM ee goobta ku sugnaa, halkaas ayaa dagaal ka billaawday waxa ay sababtay dhimashada 14 ruux oo ay kamid yihiin Odayaal dhaqameed ku sugnaa goobta” ayuu yiri Ibraahin Yarow.

Xildhibaan Ibraahim Yaroow ayaa intaa ku daray in ay la kulmeen Saraakiisha AMISOM, ay arrintaan wax uga weydiiyaan ayna caddeeyaan sidii ay wax u dheceen.

“Ciidamada Amisom Waxay qirteen in ay meesha tageen waxay nagu dheheen warbixin ayaan helnay, markaan meesha tagnay ayay naga dhuunteen, waan nalaga qariyay, markaan soo laabanay ayay xabad nagu billaabeen qasaare ayaa nasoo gaaray, waxaan maqalnay in dad rayad ah oo aan aheyn kuwii nala dagaalamayay ay goobta ku dhinteen, waa la baarayaa wixii aan kala hadlanayna waxa ay noo caddeeyeen in ay diyaar u yihiin”Ayuu Yiri Mudane Yaroow.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in arrintaan Guddi xaqiiqo raadin ah loo saaray, lana caddeyn doono waxyeellada dadka shacabka ee aan waxba-galabsan ka soo gaartay dagaalkaasi.

4IMG_2770IMG_2769IMG_2768IMG_27641098765

Sawir Qaade: Siraaji Sh Isxaaq.

Previous Post

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho kadib ka qeybgalkiisa  Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika

Next Post

Xukuumadda Oo Baarlamaanka Ka Dalbatay Ansixinta in lagu daro Hindise-sharciyeedka Is-gaarsiinta

Next Post
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”

Xukuumadda Oo Baarlamaanka Ka Dalbatay Ansixinta in lagu daro Hindise-sharciyeedka Is-gaarsiinta

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In