Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo munaasabad Afurin iyo Ciidsiin ah u sameeyay Dad Aragga Naafo ka ah “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo munaasabad Afurin iyo Ciidsiin ah u sameeyay Dad Aragga Naafo ka ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Munaasabad isugu jirta Afurin iyo Ciidsiin wuxuu u sameeyay maamulka, Howlwadeenada iyo Ardayda Aragga Naafada ka ah ee wax ka barta Dugsiga Albasiir ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Ku dhowaad 50-Qof ayaa loo qaybiyay Dharkii ay ku ciidi lahaayeen oo dhamaystirsan iyo Lacag uu ugu talagalay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali markii la afuray kadib.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026

Ustaad Abiikar Xuseen Bashiir oo ku hadlayay Afka maamulka Dugsiga Albasiir ayaa sheegay in xildhibaanka Shantii sano ee la soo dhaafay uu si wayn u garab taagnaa Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee ku jira dugsiga Albasiir, wuxuuna sheegay xildhibaanka inuu yahay masuulka kaliya ee aanan markasta ka daalin inuu caawiyo Ardayda Aragga La’a, isagoo ku baaqay in Madaxda kale ee dalka ay ku daydaan xildhibaanka.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay inay waajib tahay in la caawiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba maadaama imtixaanka ay marayaan loogu talagalay in dadka kale Caafimaadka qaba ay ku waana qaataan.

“Marka aad xiriir la leedahay dadka Baahiyaha gaarka ah qaba waxaad ogaanaysaa imtixaanka Ilaahay iyo Alle Nimcadda uu nasiiyay, waxaan markasta Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaa in laga war qabo dadka Baahiyaha gaarka ah Qaba, si loogu helo waxa ay u baahanyihiin.” ayuu yiri xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/rximaan Cumar Cismaan Yariisow oo gaba gabadii ka hadlay Munaasabadda ayaa xildhibaan Mustaf ku ammaanay dadaalka badan ee uu ugu jiro marka taageerada dadka Baahiyaha qaba, isagoo dhanka kale balan qaaday in maamulka Gobalka Banaadir uu ka shaqayn doono sidii Ardayda Aragga naafadda ka ah ee Dugsiga Albasiir loo heli lahaa dhul ku filan oo ay wax ku bartaan.

Previous Post

Golaha ammaanka oo cunaqabateyn kusoo rogay magefayaasha Liibiya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday qaxooti Soomaliyeed oo ku nool dalka Jabuuti

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday qaxooti Soomaliyeed oo ku nool dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday qaxooti Soomaliyeed oo ku nool dalka Jabuuti

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Mudug,...

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In