Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Dalxa oo ku baaqay in colaadda gobolka Hiiraan lagu dhameeyo wada hadal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Dalxa oo ku baaqay in colaadda gobolka Hiiraan lagu dhameeyo wada hadal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in xal kama dambeys ah laga gaaro colaadda ku soo laab laabatay Gobolka Hiiraan ee bartamaha Dalka, Isagoo dhinaca kale ka codsaday Baarlamaanka in ay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhameystiray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ka baarlamaan ahaan ay aad uga xunyihiin colaadda ku soo laab laabatay gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay in colaadaasi ay sababtay barakac hor leh, taasi oo aan xilligan ay dhibaato ku tahay dadka rayidka ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, aqoonyahanada iyo dadka kale ee gacan ka geysan kara inay joojiyaan colaadda ka taagan gobolka Hiiraan, waxkastana lagu dhameeyo wada hadal, Dowladda Soomaaliyana dhankeeda haka qeyb qaadato daminta colaadda, waayo dhibaatooyin iyo dib u dhac hor leh ayay u keeneysa horumarka Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka codsaday mudanaasha baarlamaanka inay codka kalsoonida ah siiyaan Xukuumada cusub, maadaama looga fadhiyo inay qaadato doorka uga aadan colaadaha iyo xasilinta dalka, jiheynta siyaasadda guud ee dalka, waxaana uu intaa ku daray in Xildhibaanada ay codka kalsoonida ah siiyaan si loo gaaro hiigsiga cusub.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne

Next Post
Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne

Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In