Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Dalxa oo ku baaqay in colaadda gobolka Hiiraan lagu dhameeyo wada hadal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Dalxa oo ku baaqay in colaadda gobolka Hiiraan lagu dhameeyo wada hadal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in xal kama dambeys ah laga gaaro colaadda ku soo laab laabatay Gobolka Hiiraan ee bartamaha Dalka, Isagoo dhinaca kale ka codsaday Baarlamaanka in ay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhameystiray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ka baarlamaan ahaan ay aad uga xunyihiin colaadda ku soo laab laabatay gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay in colaadaasi ay sababtay barakac hor leh, taasi oo aan xilligan ay dhibaato ku tahay dadka rayidka ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026

“Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, aqoonyahanada iyo dadka kale ee gacan ka geysan kara inay joojiyaan colaadda ka taagan gobolka Hiiraan, waxkastana lagu dhameeyo wada hadal, Dowladda Soomaaliyana dhankeeda haka qeyb qaadato daminta colaadda, waayo dhibaatooyin iyo dib u dhac hor leh ayay u keeneysa horumarka Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka codsaday mudanaasha baarlamaanka inay codka kalsoonida ah siiyaan Xukuumada cusub, maadaama looga fadhiyo inay qaadato doorka uga aadan colaadaha iyo xasilinta dalka, jiheynta siyaasadda guud ee dalka, waxaana uu intaa ku daray in Xildhibaanada ay codka kalsoonida ah siiyaan si loo gaaro hiigsiga cusub.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne

Next Post
Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne

Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Somalia Welcomes East African Court of Appeal Decision on EALA Representation

January 20, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia welcomes the decision of the East...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika ee 19...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In