Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo kulan kuleh Xarunta Villa Hargeysa yaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka {NISA} oo maalmihii la soo dhaafay goluhu ka doodayay.
144 xildhibaan ayaa haa u codeysay, sedax ayaa ka aamustay, hal xildhibaane waa diidyay.
Xildhibannada ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay ansixiyaan Hindise Sharciyeedka Korantada oo isna ay xildhibaandu maanta Akhrinta 3-aad ay marsiinayaan,kadibna la filayo in ay cod u qaadaan.